Hurdo Yaraantu Waxa Ay Keentaa In Qofku Uu Go’aamo Sax Ah Qaadan Kari Waayo Iyo Difaaciisa Oo Daciifa (1)

0
784

 

Xeeldheereyaal u dhashay dalka Ustareeliya ayaa cilmibaadhis ay ku sameeyeen waxa ku dhaca jidhka iyo maskaxda marka uu qofku hal habeen oo keliya seexan waayo, hurdada uu jidhkiisu u baahan yahay, waxa ay ku ogaadeen dhibaatooyinka caafimaad ee hoos ku xusan:

Qofka aan hurdo ku filan seexanin go’aamo sax ah kama gaadho karo dhibaatooyinka nolosha

Hurdadu waxa ay lagama maarmaan u tahay soo celinta iyo ilaalinta isu dheellitirnaanta maskaxda. Marka uu qofku soo jeedo waqtigii ay ahayd in uu seexdo waxa ay maskaxdu si inta dabiiciga ah ka badan u soodeysaa maaddo kiimikaad oo lagu magacaabo ‘Adenosine’.

Caadi ahaan maskaxdu maalintii oo dhan waxa ay si tartiib-tartiib ah u soo deysaa madadda ‘Adenosine’ oo marka ay saacadaha maalintii oo dhan jidhka ku ururto, habeenkii keenta lulo iyo in qofku uu hurdo doono. kaddib qofku inta uu habeenkii hurdo ayaa uu jidhku iska saaraa maadaddan ku ururtay maalinnimadii, taas ayaana sabab u ah in marka ay jidhka ka dhammaato uu qofku hurdada ka tooso, isla markaana dareemo firfircooni iyo baraarugsanaan.

Haddaba haddii uu qofku si fiican u seexan waayo habeenkii, waxaa dhacaysa, maadaddan jidhka ku ururtay maalintii ee uu iska saari lahaa, in ay dhaawac gaadhsiiso qaybta xuska ee maskaxda, gaar ahaan in ay keento waxa loo yaqaanno ‘Clouding of consciousness’ oo sababa in qofku isaga oo soo jeeda haddana laga dareemo in ay maskaxdu maahsan tahay ama suursan tahay iyo in aanu xiskeedu sidii saxda ahayd u dhammaystirnayn.

Waxa ay khubaradu sheegeen in xitaa hurdada uu qofku dhowr jeer ka tooso habeenkii ama hurdada aan xidhiidhka ahayn ee habeenkii in ay raad aan fiicnayn ku yeelato shaqada maskaxda, gaar ahaan qaybta xusuusta.

Labadan arrimood oo marka la isu daro macnaheedu yahay in qofka hurdadu ku yar tahay aanu awood u lahayn in uu si fudud u xallin karin dhibaatooyinka ka hor yimaadda, ama aanu go’aamo sax ah gaadhi karin.

Hurdo yaraantu cudurraday jidhka u nuglaysaa

Marka la eego nolosha maalinlaha ah waa ay adagtahay in aynu ka dheeraanno jeermisyo badan oo meel kasta oo aynu joogno ka buuxa; goobaha shaqada, gaadiidka dadweynaha, suuliyada, gacanta albaabada la qabto iyo xitaa taleefankeenna gacanta. Sidaa awgeed waxaa qasab ah in aynu mar kasta xoojinno awoodda difaaca ee jidhkeenna. Hababka ugu fiican ee aynu ku xoojin karnaana waa in aynu habeen kasta helno hurdo innagu filan.

Haddii uu jidhkeennu waayo hurdo ku filan, waxaa ka tegeysa awoodda abuurka ah ee uu isagu isku daweyn karo. Waxaa ka mid ah kabista iyo beddelista unugyada jidhka ee dhinta, ama soo deynta unugyo cusub oo la dagaalama hadba nooca cusub ee jeermis ee jidhka soo gala.

Arrintani waxa ay keenaysaa in uu daciifo habdhiska difaaca jidhku, sidaa awgeed haddii ay bakteeriya ama fayras soo galo, waxaa ku adkaanaysa in uu isak difaaco. Waa aanu qofku u nuglaanayaa xanuunnada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here