Odayaasha Madasha Wadatashiga  Oo Maxkamada Sare ka Dacweeyay Sharcinimada Guurtida Iyo Mudo Kordhinteeda

0
586

 

Hareysa(Geeska)-Odayaasha madasha Wadatashiga iyo toosinta Qaranka ayaa maxkamada sare ee dalka u gudbiyay dacwad ka dhan ah golaha guurtida sharcinimadooda iyo mudokordintii ugu danbaysay ee ay dalka ka sameeyeen.

Odayaasha Madasha ayaa shaaciyay in maamulka dawladnimo iyo golayaasha sharci dajintuba ay hogaaminta dalka ku fashilmeen, isla markaasna loo baahan yahay in wado sharci la maro si wax looga qabto.

Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac oo warbaahinta kula hadlay maxkamada sare horteeda waxa uu sheegay dacwada ay gudbiyeen ”Maxkamada sare horteeda ayaanu taaganaha waxaad barayahanba ogaydeen muran siyaasi ah iyo mid sharci ah oo dalka ka taagan oo aad moodaba inay siyaasadeenii cakirantay oo laysla mari la’yahay, golayaasheenu intay jireen iyo siday u joogeenba waad ogtihiin, waxaanu is nidhi kol hadii halkaas laysku mari waayay, sadex wado ayuunbaa banaan marka maamulka dawladnimo laga cabanaayo mid waa kii qoriga oo kaas wakhtigiisii waa uu dhamaaday, in dhanka siyaasada asxaabtu uu shaqeeyo oo murankoodu dhamaado tiina waa ay fashilantay, waxaanu is nidhi waa dariiq kaliyaata ee banaan sida asxaabtana mudaharaad ku baaqi mayno, waxaanu u eeranay maxkamada sare  inay dib u eegto go’aamada ay gaadhayaan guurtidu oo guurida waxaanu u aragnaa in aanay sharci ahayn, waxaan sharci ahayna  sharci ma samayn karo 22 sanadood ayay noqonaysaa mudada hada loo kordhiyay, shan sanadoodna waa ay ahayd waxay ahayd inay afar qolo is badalaan, waxaan arkaynaa inay imika dhaxal marayso, maxkamada waxaanu u gudbinay dacwad aanu kaga soo horjeedno guurtida iyo sharciyadeeda  ay ku fadhido iyo go’aanka ay gaadhay iyo sharciyadiisa, waana daw uu dastuurku bixiyay  in maxkamad dastuuriga ah loola eerto  waxii dawlada iyo golayaasha lagaga cabanaayo, waxaanu u aragnay in fulintii iyo xeer dajintiiba ay ku guuldaraysteen maamulkii ay dalka u hayeen markaas waxaanu u eeranay  maxkamada sare iyo  iyo cadaalada waanuna sugaynaa cadaalada  allena sidii khayar leh ha waafajiyo.”

Xasan Guure waxa uu sheegay in laga qabtay dacwadaas “ Guddoomiyuhu waa uu naga aqbalay dacwadii waa uu darsayaa jawaabteedana waanu ka sugaynaa  iyo wakhtiga uu qaadayo dacwada.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here