Tuule Mataanaha Isu Eeg Ku Badan Yihiin Ayaa Ay Dadku Aaminsan Yihiin In Sababtu Ay Tahay Cunista Baamiyaha

0
678

Hargeysa (Geeska)- -Qayb ka mid ah dadka qabiilka Yuruuba ee dalka Nayjeeriya oo deggen tuule lagu magacaabo Eqbuuraa Owraa ayaa caan ku ah dhalmada carruur mataano ah oo weliba si aad ah isugu eeg. Tuulahan oo ku yaalla koonfurta galbeed ee dalka Nayjeeriya ayaa la aaminsan yahay in ay ku noolyihiin tirada ugu badan ee mataanaha isu eeg ee meel keliya ku wada nool adduunka oo dhan, sidaa awgeed ayaa dad badan oo wax ka qoray ay ugu tilmaameen caasimadda mataanaha.

Dadka deegaanka ayaa dhaqan ahaan aaminsan in sababta ay dadkooda mataanaha aadka isugu eegi ugu bateen ay tahay cunista caleenta geedka baamiyaha oo inta badan ay ka samaystaan fuud ay ku magacaabaan ‘Amaala’ oo ka kooban caleenta geedka oo lagu daray baradho iyo kudhrado kale.

Dadka deegaankan waxa ay aaminsan yihiin in baradhadu ay caawiso qanjidhada taranka, taas oo ah sabab kiimikaad oo caawisay in ay hooyada ay ku abuurmaan carruur mataano ah oo weliba isu eeg.

Dugsiyada waxbarashada ee tuulahan ku yaalla, mid ka mid ah waxaa wax ka barta sagaal kooxood oo ka kooban mataano aad isugu eeg, taas oo dugsigan oo keliya ka dhigaysa in arday mataano isu eeg ah oo boqol ahi ay wax ka bartaan.

Si kastaba ha ahaato ee Ekojumi Owlaarinnuaju oo khabiir ku xeeldheer cudurrada hooyada iyo dhallaanka oo ku sugan magaalada Lagos ee dalka Nayjeeriya ayaan isagu aaminsanayn fikirka dadka tuulahan ee sheegaya in nooca cuntadu uu sabab u noqon karo in hooyadu ay mataanayso. Dr. Ekojumi waxa uu sheegay in cuntadan meelo kale oo dunida ahba lagu cuno haddana aan lagu arag natiijadan mataanaynta dumarka ah.

Ekojumi waxa uu aaminsan yahay in sida keliya ee ay sababtu noqon kartaa ay la xidhiidh hidde, waxa uu aaminsan yahay dadka tuulaha oo yar awgeed, muddada dheer ee ay wada deggenaayeen waxa ay sababaysaa in kala guursigu uu hide side cid u gaar ahayd ku fidiyo tuulaha oo dhan. Sidaa awgeed ay suurtagal tahay in hidde side mataanayn ah oo qoys gaar ahi lahaayeen in uu ku faafay tuulaha sidaa awgeed ay inta badan ee dadka tuuluhu ay isir ahana si fog ama dhow wax isugu yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here