Daawashada Badan Tv Ga Iyo Taleefannada Gacantu Waxa Ay Beddelaan Dabeecadda Ilmaha

0
676

Ottawa (Geeska)- Cilmibaadhis ay dhowaan samaysay jaamacadda Alberta ee dalka Kanada ayaa lagu ogaaday in carruurta laba saac wax ka badan maalintii hor fadhiya shaashadda talefishanka ma aaladaha sida taleefanka gacanta u shaqeeya ee ‘Tablet / ama iPad’ ka loo yaqaannaa ay khatar u yihiin in uu ku dhaco isbeddel dhinaca dabeecadda iyo dad la macaamilka ahi.

Isbarbardhig ay cilmibaadhayaashu ku sameeyeen carruurta talefishanka ama qalabka kale ee aynu xusnay daawada laba saac maalin kasta iyo kuwa cecelis ahaan maalintii daawada saacad badhkeed, waxa ay ku ogaadeen in boqolkiiba 13.7 carruurta maalin kasta daawada laba saac ay shan laab ku badan yihiin isbedellada taban ee ku dhacaya dabeecaddooda iyo sida ay dadka ula dhaqmaan oo xumaata.

Madax adayg badan, ku caragsi, macaamil xumo, iyo dareen celin cadhadu ku badan tahay ay ka mid yihiin dabeecadaha lagu arko carruurta aad u daawada talefishanka iyo aaladaha ay ka mid yihiin ‘Tablets’ iyo ‘iPad‘ ama xitaa talefannada gacanta ee casriga ah.

Xeeldheereyaasha daraasadda sameeyey waxa ay ku taliyeen in waqtiga ugu habboon ee carruurta shan jir gaadhay ay celcelis ahaan maalintii shaashadda hor fadhiyi karaan ay tahay saacad iyo 25 daqiiqo, halka carruurta saddex jir iyo shan jir u dhexeysa ay fiican tahay in aanay ka badan saacad iyo badh maalintii.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here