Trump: Shakhsi Gawaadhi Jecel, Indho-Adag, Nanayso Badan, Qalqaaliya, Istusa, Isla Weyn, Miidaamo Ah, Madax-Adag, Macallimiintiisa Feedha, Laakiin Hoggaaminta Ku Fiican

0
773

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin, xogo, dabeecado iyo hab-dhaqan la xidhiidha taariikhda nololeed ee madaxweyaha loo doortay Maraykanka Donald G. Tump oo laga yaabo in aanay dad badani ogeyn:

4. Guri carruurnimo oo aanay maskaxdu sawiran karin

Donald Trump sannadkii bishii Juun 1946kii ayaa uu ku dhashay guri ka mid ah dhismayaasha caanka ah ee Jamaica ee xaafadda qaalia ah ee Queens oo ka tirsan magaalada New York ee dalka Maraykan. Gurigoodu waxa uu ka mid ahaa guryaha ugu waaweyn ee sida quruxda badanna u dhisan ee xaafaddan, illaa maantana waa uu dhisan yahay oo la isticmaalaa, waana isla xaafadda uu Trump ka bilaabay waxbarashadiisii hoose.

5. Gawaadhi jacayl:

Qoyska reer Trump waxa ay caan ku ahaayeen haysashada baabuurta loo yaqaanno Cadillac oo xilligaas dadka labadan oo keliyi goyn jiree, waxa aana lagu tilmaamaa in ay ahaayeen qoyska ugu ladan ee xaafadda oo dhami ku sheekaysato quruxda gurigooda iyo baabuurta quruxda badan ee Cadillac ee ay haystaan, oo weliba ahaa baabuur si ula kac ah xitaa lambarro u gaar ah dawladda looga dalbaday, kuwaas oo kala ahaa FCT1 iyo FCT2.

6. Naanayso badnaan:

Trump markii uu yaraa saaxiibbadii naanayso badan ayaa ay ku magacaabi jireen, waxaa ka mid ahaa, Donny, Trumpet, oo dabcan looga jeedo uun magaciisa Trump ayaa sidoo kalana afka Ingiriisiga ku leh macne ah Turunbo oo ka mid ah qalabka la afuufo ee muusikada.

Sidoo kale waaa lagu magacaabi jiray Flat-top oo ah shay dusha / oogada sare ka siman, waxa aanay uga duur-xulayeen timihiisa u eeg kuwo samays ah oo dusha laga saaray, ee dabayshu hadba dhan u kala kaxaysay. Sidoo kale saaxiibbadii waxa ay ay ku tilmaami jireen ruux kalgacal badan, laakiin qab iyo kibir badan. Trump waxa ay saaxiibbadii ku tilmaami jireen rabshaani, in kasta oo ay aaminsanaayeen in qal-qaalinimadiisu ay ahayd mid samays iyo iska yeel yeel ku timaadda.

7. Muran badnaan iyo indho adayg.

Trump markii uu dugsiga hoose dhiganayey, waxa ay macallimiintiisa iyo saaxiibbadiiba ka daeemee karti badni iyo awood dheeraad ah oo uu u leeyahay ciyaaraha kala duwan, iyo weliba khiyaamooyinka guusha ciyaaraha lagu keeno. Laakiin haddana ceebtiisu waxa ay ahaan jirtay in uu afkaartiisa ku dheggenaa jiray oo muran uu ku difaaci jiray, iyo in uu ahaa nin dhaqso u cadhooda haddii fikirkiisa la diido, ceebta ka sii daran ee uu lahaa waxa ay ahayd in aanu qaladkiisa qaadan. Trump waxa kale oo lagu yaqaannay in aanu hadalka la gabban, wax kasta oo maskaxdiisa ku jirana si aan waabasho lahayn isaga odha jiray.

8. Miidaamo

Trump saaxiibbadiisii illaa yaraantii waxa ay ku yaqaanneen is miidaamin badnaan, iyo in shayga khatarta ah uu tijaabiyo isagu, tusaale ahaan baaskiilka in uu mariyo meelaha khatarta ah ee carruurta kale ka baqdo, iyo in uu xawaare aad u sarreeya ku kaxeeyo iyaga oo cabsi awgeed ku qaylinaya. Maalin maalmaha ka mid ah waxa ay dadka deriskiisu arkeen isaga oo inta uu koox asxaabtiisa ah kaxaystay oo ay baaskiilado meel durugsan la tageen, kadibna uu ku dhiirrigelinayo in ay garaacaan wiil yar oo kale. Ruux ay deris ahaayeen oo si kedis ah ugu soo baxay maalintaas ayaa ku markhaati furay in uu Trump inta uu baaskiilkiisa oo ordaya ka soo booday uu si bilaa naxariis ah u garaacay wiilkaas, saaxiibbadiina ku dhiirri-geliyey in ay la garaacaan.

9. Istusnimo, Isla-qumanaan, hoggaamin:

Trump xilligii uu korayey dabeecadaha yaabka leh ee qoyskiisa, asxaabtiisa iyo macallimiintiisu dhammaan ku arkeen waxaa ka mid ahaa, hab-dhaqan qallafsan oo jecel in laga wada baqo, oo dadka oo dhan uu cabsi geliyo, nin isagu mar kasta isla qumman, nin jecel in uu isagu muuqdo, oo hoggaamiye iyo ka ugu fiican faciisa uu u muuqdo, waxa uu farxad kala wareegi jiray marka uu is arko isaga oo dhaafay ama dadku u arkaan in uu ka sarreeyo dad shalay xaqiri jirary, ama uu ka hooseeyey, weliba waxa uu ahaa dadka jecel in sarrayntiisa uu dareensiiyo qofka ka hooseeya. Waxa se uu lahaa ruux hoggaamineed oo inta bada dadku ku soo ururaan, ogolaadaanna in uu horgalo.

10. La dhaqanka macallimiintiisa:

Trump waxa la sheegay in ardaynimadiisii, uu ahaa ruux madax adag, oo si kakan oo macallimiintiisa ula dhaqma. Marna waxaa dhacdayba in macallin xiisad muusikada barayey in uu isha hoosteeda feedh kaga dhuftay, taas oo macallinkii ku keentay barar iyo madow maalmo door ah ka sii muuqday. In uu macallinkiisa feedhay waxaa ka sii yaab badnaa hadalka uu ku sababeeyey feedhkan, markii la weydiiyey sababta uu macallinka u feedhay, waxa uu ku andacooday, in macallinku uu ahaa mid aan waxba ka fahansanayn muusikada uu doonayo in uu ardayda baro. Xilliyadii dambe waxa uu gaadhay in marka uu fasalka dhex fadhiyo ay ardaydu aad uga durugto halka uu fadhiyo, iyaga oo ka fogaanaya rabshaddiisa iyo dhaqan xumada uu macallimiintiisa kula kaco.  La soco…