Suldaanka Beelaha Carbeed Ee Somaliland Oo Bogaadiyey Wasiirka Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare

0
493

Hargeysa (Geeska)- Suldaan Siciid maxamuud Cali (carab) oo ka mid ah madax dhaqameedka Somaliland kana soo jeeda Gobolka Sanaag ayaa mahadnaq iyo bogaadin u soo jeediyey wasiirka wasaarad waxbarashada iyo tacliinta sare iyo kaaliyeyaashiisa kala duwan.

Suldaanka oo si faahfaahsan uga hadlay waxqabadka iyo dadaalka wasiirka

waxabarashadu somaliland ayaa sheegay inuu waxbadan qabtay korna u sii qaaday tayada waxbarashada dalka dhinaca soo kordhinta iyo dhisidda iskuullad baahi loo qabay sidoo kale dabagalka hawlwadeenada iyo

macalimiinta la xisaabtakooda iyo isgarbtagooda si ay dhiirigalin iyo maamuul u helaan taa soo hirgalayey wasiirka in lagu mahadnaqo luguna xusuusan doono sidoo kale taniyo intii dalkan dib loo soo ceshay in ay sanadkan wasaarad waxbarshadu qaybteeda imtixaanku adkaysay nidaamka imtixaanka ee dalka si cadaaladna u qabatay iyadoo saamaysay aradaydii dalka intii dedaashayna soo baxday intii qishka ku xisaabtamaysayna ku dhaceen tasina ay dedaal galisay ardayda imtixaanaada dambe waanuna ku amaanaynaa hadaanu nahay waxgaradka

madaxdhaqameedka iyo bulshada inta jecel aqoonba.

Wasiirkuna wuxuu kaloo hore taariikhada dalka loogu xasuustaa dhisitaankiisa kana qaybqaatay nabadayntii bulshada soomaaliland

isagooilaa ceerigaabo ka s shaqeeyey nabadaynta ilaa boorame markaa waa shakhsi ku suntan qaranka hormarkiisa waxan ku soo koobayaa in aan dhiirigalino wasiirka

waxbarashada si uu sii kor dhiyo dedaalka ugu jiro tayeynta aqoonta dalka ugu fanbayn waxaan si gaara ah ugaaga mahadnaqayaa dugsiga sare ee bodhanka ah ee dayax wuxuu dheeryahay wasiiraii uga horeeyey waxbarashada samaynta manhajka inoo gaara ah oo umadan iyo qaranka leeyahay waxqabadka wasiirka Habane.