Si Aad Caafimaadka Qoyskaaga U Daryeesho, Iska Jir In Aad Cuntada Ku Hor Cunto Talefishanka Oo Shidan

0
770

Washington (Geeska)- Cilmibaadhis dhowaan lagu sameeyey dalka Maraykanka ayaa iftiimisay in qoysaska cuntooyinkooda muhiimka ah (Qadada, Cashada iyo Quraacda) ku hor cuna talefishanka oo ay daawanayaan ay ku badan tahay xaaladaha ah in ay cuntada u qaataan hab aan caafimaadkooda u dan ahayn iyo in cuntada dhadhankeeda fiican ay ku raaxaystaan. Sida ay cilmibaadhayaasha daraasadda sameeyey ku caddeeyee Joornaalka Appetite ku qoreen in dhibaatadani soo gaadhayso xitaa qoysaska Talefishanka ku hor cunteeya isaga oo shidan xitaa haddii aanay daawanayn.

1

Amanda Tropholes oo hoggaaminaysay cilmibaadhayaasha daraasaddan sameeyey ayaa sheegtay in ay fiican tahay in qoysku hal meel wax ku wada cuno si waalidiintu ay ula socdaan sixada cuntada ay ubadku cunayaan iyo ta ka sii muhiimsan oo ah in ay la socdaan anshaxa wanaagsan ee cunto cunista iyo habka ugu fiican ee ilmuhu ku ogaan karo cunista cunto ku filan si aanu aad isugu dhergin cunto ka yarna u cunin.

Dhinaca kalana Tropholes waxa ay sheegtay in ay daraasaddan ku ogaadee in qoyska oo talefishanka daawashadiisa ku hor daawada cutadu  ay leedahay dhibaatooyin ay ka mid tahay in cunto badan uu cuno, iyo weliba in qoysku ay cuntada ku dul sheekaysan waayaan oo halkaas uu xidhiidhka qoyska dhexdiisa ee fursaddan wada joogga ah looga faa’idaysan lahaa daciifto.

Cilmibaadhayaasha oo ka tirsan jaamacadda Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in talefishanka oo cuntada lagu hor cunaa ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee carruurta da’doodu u dhexeyso 6 sano illaa 12 sano ku keeno in miisaankoodu uu aad u bato.