Trump: Shakhsi Gawaadhi Jecel, Indho-Adag, Nanayso Badan, Qalqaaliya, Istusa, Isla Weyn, Miidaamo Ah, Madax-Adag, Macallimiintiisa Feedha, Laakiin Hoggaaminta Ku Fiican

0
619

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin, xogo, dabeecado iyo hab-dhaqan la xidhiidha taariikhda nololeed ee madaxweyaha loo doortay Maraykanka Donald G. Tump oo laga yaabo in aanay dad badani ogeyn:

15. Xeeladdii uu kaga baxsaday shaqada qaranka: Markii uu socday dagaalkii Vietnam oo ay iskaga hor yimaaddeen Vietnam-ta woqooyi ee Shuuciga ahayd iyo Vietnam-ta Koofureed oo Maraykanka la xulafo ahayd, ayaa sannadkii 1968kii, Donald Trump loo sheegay in uu buuxiyey shuruudihii kaga mid noqon kari lahaa adeegga ciidan ee muwaadin kasta laga rabo, laakiin Trump markiiba waxa uu abuuray cudur daar, uu golaha deegaanka ee ka qaybgalka dagaalka ugu sheegayo in uu dhaawac ka qabo cidhibta oo socodku ku adag yahay. Arrintaas ayaana sabab u noqotay in laga dhaafo shaqada qaranka ee sharci ahaan ahayd waajib muwaadin kasta saaran.

16. Qaan-gaadhkii iyo ka mid noqoshadii dunida dadka waaweyn: Qal-qaalinimada iyo dabeecadaha kakan ee Donald Trump kuma ay ekaan carruurnimadii iyo da’dii qaangaadhka ka horreysay, laakiin illaa hadda oo uu Toddobaatan jir yahay, waxa uu qirtaa isla dabeecadnimadii carruurnimadiisa leeyahay, isla qofkiina yahay, waana la eegi doonaa in dabeecadahaasi ay is beddelaan muddada uu xilka madaxweyne ee dalka Maraykanka hayo. Dhammaad.