Dayaxa Oo 68 Sano Masaafaddii Ugu Dhowayd Dhulka U Maray, Somaliland Oo Laga Dareemay Iyo Macnaheeda Cilmiga Ah

0
684

1Dayaxa bisha Safar (Labaad ee Hijriga) ayaa habeennimadii Axad/Isniinta lagu arkay ballaadh, qaro iyo iftiin aad uga ballaadhan intii looga bartay habeenadan ay caddadu dhammaystiranto. Waxa aanay khubarada cilmiga xiddigu ku tilmaameen in ay tahay dhacdo taariikhi ah oo dunida ay ugu dambaysay sannadkii 1948kii lana filayo in ay mar labaad soo rogaal celiso sannadkia 2034 ka.

Dayaxa oo culimada cilmiga xiddiguhu sheegeen in uu habeenkan soo bixitaankiisu la bilowday dhicitaanka qorraxda, dhicitaankiisuna la waqti noqday soo bixitaanka qorraxda ee arroortii labaad ee Isniinta ayaa ay caddeeyeen in uu maalintii Axadda Isniintu soo gelaysay iyo xitaa habeenkii isniinta salaasadu soo gelaysay ku wareegayey xariiqda ugu dhow dhulka ee ka mid ah xariiqaha uu ku wareego, kaas oo masaafadda uu dhulka u jiro lagu qiyaasay 356 kun oo Kiloomitir oo keliya, iyada oo caadi ahaanna godkan uu ku wareegaa uu dhulka u jiro masaafad dhan 385 Kun oo Kiiloomitir, noqonaysana in uu dhulka ku soo dhowaaday masaafad dhan 29 kun oo kiiloomitir, waana sababta keentay in uu si aad u dhow u muuqdo, qof kasta oo eegaana dareemo in ballaciisa iyo dhumucdiisu ka weyn yihiin sidii looga  bartay habeennadan caddadu buuxsanto oo kale, isla markaana uu ilayskiisu ka badan yahay sidii uu ahaan jiray marka uu habeennadan joogo.

Culimada cilmiga xiddiguhu waxa ay ku tilmaameen dhacdo taariikhi ah oo ay nooceeda dayaxa ugu dambaysay sannadkii 1948kii, marka ugu fiican ee ay tahay in la eego si loo garto in aanu caadi ahayna ay ahayd isla marka ay qorraxdu dhacday.

Caadi ahaan sida cilmiga xiddiguhu caddaynayo waa ay dhacdaa in dayaxu uu kala weynaado dhumuc ahaan, ballaadh ahaa iyo iftiin ahaan, oo waxa ay ku xidhan tahay hadba masaafada ay dhulka u jirto xariiqda uu ku wareegayaa, waxa se ay tani ahayd xariiq aad dhulka ugu dhow oo marar dhif ah uun uu iyada ku wareego, sidaa awgeed marka uu xariiqdan maro sidii habeenkan 14 ay noqonaysay bisha Noofambar waxa uu dhumuc iyo ballac ahaa sida caadiga ah ka weynaadaa ugu yaraan boqolkiiba 14 halka ilayskiinuna sida caadiga ah ka bato boqolkiiba 30.

Waxaa jira culimo aaminsan in maadaama oo soo dhowaanshiyaha aadka ah ee dayaxu uu saamayn ku yeelanayo cuf-is-jiidadka dhulka in soo dhowaanshiyaha dayaxa ay inta bada ku lammaanaato, dhul-gariir dunida ka dhaca, ama qaraxyo Folkaane, laakiin cilmi ahaan arritan caddayn rasmiya oo isku xidhaysa looma hayo.

Waxaa iyaduna xusid mudan in tan dhacday lidkeeduna ay dhici karto oo dayaxu uu mar ku wareegi karo xariiqda dhulka ugu fog, haddii ay dhacdana waxa ay sababtaa in dayaxu ka yaraado dhumuc iyo ballac ahaanba kana iftiin yaraado inta caadiga ah.

Magaalada caasimadda ah ee Hargeysa iyo meelo badan oo Somaliland ah ayaa dadku ay habeennimadii Isniintu soo gelaysay aad uga dareemeen soo dhowaanshiyaha dayaxa oo iftiinkiisa xad dhafka ahi markaba dareen ku gelinayey, waxa aana mararka qaarkood la arkayey dayaxa oo si aan looga baran xagga dhulka ka soo xigaya daruuhaha caadka ahaa ee habbeenkaas jiray, walow fadad waaweyn oo marar soo kacayey ay hoosta gashanayeena haddana markaas qudheeda iftiinkiisa aan caadiga ahayni isma uu qarinayn.