Mar Rumoobi Doontaa Riyada Saynisyahanno Badan Qabaan Ee Ah In Ilkuhu Mar Labaad Soo Bixi Karaan

0
658

London (Geeska)- Rajo cusub ayaa u soo hoyatay dadka ilko la’aantu ciishay, kadib markii cilmibaadhis cusubi ay daahfurtay in dhowaan la suurtogelin karo in daloolada ilkaha lagu buuxiyo neerfayaal nool oo caafimaad qaba, si looga maarmo iligga la saaro.

Sida la og yahay aadamuhu waxa uu leeyahay ilko keliya oo marka ay ilkaha carruurnimoka dhacaan u soo baxa kadib noloshiisa oo dhan uu iyaga isticmaalo, halka kalluunka  noociisa Libaax badeedka loo yaqaannaa uu ka leeyahay lakabyo ilko ah oo ku aasan cirradkiisa gudihiisa, mar kasta oo ilig ka dhacana halkiisa mid kale oo kuwaa dabaqadda hoose ahi ku soo baxo oo buuxiyo.

Cilmibaadhayaashu waxa ay sheegeen in ilkahaas Libaax badeedka ay kala mid yihiin inta badan ee xayawaannada xamaaratada loo yaqaanno, iyo weliba biyo-beri ku nool kale oo badan, kuwaas oo marar kala duwan hadba ilko cusubi u soo baxaan inta ay nool yihiin, iyaga oo taas ka duulayana waxa ay sheegeen in isla hannaanka noolahani ku helo ilkaha cusub la daraasayn karo si looga faa’idaysto in aadamahana ilko marar dambe loogu soo saaro.

Sida lagu sheegay warbixin arrintan la xidhiidha oo ay baahisay idaacadda BBC oo uu Geeska Afrika turjumay, mid ka mid ah shaybaadhada jaamacadda Kings College ee magaalada London ayaa ku guulaystay in uu ilko cusub oo dabiici ah u beero jiir tijaabo laga aadayey, khubaradu waxa ay arrintan samaynteeda u isticmaaleen neerfayaal cirrid oo aadame iyo unugyo awood u leh in ay ilo sameeyaan oo laga keenay jiir.

Apeagel Tacker oo ah bare-sare oo ka tirsan jaamacadda Kings Stone College ee magaalada London, ayaa iyada oo daraasaddoodan ka hadlaysa waxa ay tidhi, “Arrinta xiisaha gaarka ah lihi waxa ay tahay in cilmibaadhayaasha ay u suurtogashay in ay beeraan unugyo ay ilkuhu sida ogxaanta uga soo dillaacayaan oo lagu beerayo cirridka gudihiisa, kuwaas oo ay u suurtogelayso in ay ku beermaan cirridka lana qabsadaan samaysashada xididdada dhiigga iyo unugyada iyo neerfayaasha kele ee ay u baahan yihiin oo ay ka soo qaadanayaan neerfayaasha kale ee ku xeeran, kadibna halkaas ka bilaabayaan abuurashada ilko cusub.

In ilkuhu iyagu is daweeyaan:

Dhinaca kalana cilmibaadhis cusub oo natiijadeeda lagu faafiyey Jooraal Science Translational Medicine ayaa sheegaysa in cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Ingiriiska iyo jaamacadda Harvard ee dalka Maaykanku ay hadda ku hawlan yihiin soo saarista maaddo dawo ah oo awood u leh in ay daweyso isla markaaa awood iliggu u yeesho in uu isagu daloolkiisa buuxsado, iyada oo marka hore nadiifinaysa gunta hoose.