Trump: Shakhsi Gawaadhi Jecel, Indho-Adag, Nanayso Badan, Qalqaaliya, Istusa, Isla Weyn, Miidaamo Ah, Madax-Adag, Macallimiintiisa Feedha, Laakiin Hoggaaminta Ku Fiican

0
634

Washington (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika turjumay waxa aynu ku eegaynaa dhacdooyin, xogo, dabeecado iyo hab-dhaqan la xidhiidha taariikhda nololeed ee madaxweyaha loo doortay Maraykanka Donald G. Tump oo laga yaabo in aanay dad badani ogeyn:

11. Gacan ka hadal iyo Rabshad badni:

Trump oo saaxiibbadii ka wada dheeraa, inta badanna ka xoog badnaa qaab-dhismeedka jidhka marka la eego, waxa uu ahaa wiil kalsooni xad dhaaf ah naftiisa ku qaba. Isla markaana jecel in uu xoog u adeegsado ku shaqaysashada saaxiibbadii. Waxa uu yaraantiisii ahaa nin tartanka iyo loollanka marka uu ku jiro aan waxba la hadhin, xariif ku ahaa ciyaaaha, guul-darradana aan aqbalin ee cadho iyo aargoosi ku qaabila, haddii arrimuhu sida uu rabo u dhici waayaan.

Waxaa jirtay mar uu 12 sano jir ahaa oo isaga iyo dhowr saaxiibbadii ka mid ahi ay tegeen suuqa weyn ee Manhattan oo xaafaddooda aad uga durugsanaa iyaga oo aan wax fasax ah ka sii qaadan qoyskooda, kadibna waxa ay soo iibsadeen mindiyo, iyo qalab yaryar oo dagaalka gacan ka hadalka ah loo isticmaalo, waxa aanu qorshahoodu ahaa in ay dagaal ku qaadaan koox caruur xaafaddoodaah oo uu dagaal wadareed marka hore dhex maray.  

12. Cadho aanu is xakamayn karin:

Waxa uu ahaa dadka marka ay cadhoodaan xakamaha naftu ka lumo, mararka qaarkood sida ay iskaga joogaan xusuus hore awgeed u cadhooda, sida uu u joogo ayaa uu muran iyo cadho kula dhici jiray asxaabtiisa ay wada ciyaarayaan. In kasta oo uu aad u xiisayn jiray kubadda baseball loo yaqaano, haddaa waxaa lagu yaqaanay xanaaqad badnaan iyo in uu mararka qaarkood inta uu is madax maro, qori kubadda lagu dhufanayo gidaarka la dhaco si uu u burburiyo.

13. Bilowgii geediga mustaqbalka:

Dhibaato joogto ah, qalqaalinimo iyo macallimiintii oo ay heshiin waayeen kadib, gaar ahaan markii uu mindiyaha dagaalka u soo iibsaday, waxa uu Donald Trump aabihii qaatay go’aan adag oo ah in wiilkiisa oo imika u taliyo inta aanu mustaqbalkiisu burburin. Donald Trump oo 13 jir ahaa ayaa uu qasab ku geeyey akademiyad milateri oo ku taalla magaalada New York.

Dersiga ugu muhiimsan ee uu Trump ka bartay dugsiga Milaterigu waxa ay ahayd in aanu sidii rayidka ahaa ugu kibri karin macallimiinta. Waxa uu arkay in dugsiga Milateriga macallimiintiisu ay xoog iyo ciqaab daran isticmaalaan, ciqaabtaasna la marin doono haddii anshax xumo lagu arko, ama inyar uu ka weecdo jidka loo jeexo.

Sida lagu yaqaanno dugsiyada tababarrada milateriga, Trump waxa la tusay in ciqaab iyo garaacisba uu filan karo haddii uu ka baydho nidaamka la jeexay, waxa kale oo uu bartay nidaamka iyo in nolosha aadamuu khad go’an ku socoto, sida aacado go’an oo waxbarasho, saacado go’an oo cunto, saacado go’an oo hurdo ama nasasho, in meel ay cunto ku wada cunaan tobanaan ruux oo kala nolol iyo qoys ah. Waxaa la aamisan yahay in dugsigan milaterigu uu ahaa sababta ugu weyn ee dib u samaysay Trump kana saartay noloshii khayaaliga iyo xiisaha keliya ku dhisnayd. Trump waxa uu dugsiga milateriga ka soo qalin jebiyey isaga oo xiddigle ah, oo leh nidaam iyo anshax qurux badan oo uu noloshiisa ku qaabilo.

14. Waano dhalan baa ka adag:

In kasta oo sida aynu soo sheegnay waxbarashadii kuliyadda milaterigu ay wax weyn ka beddeshay dabeecadihii Trump iyo xitaa hab nololeedkiisii marka hore khayaaliga ahaa, haddana waxaa run ah in dabeecadda iyo hab-dhaqanka shakhsiga ah ee qofku aanay dhayal isku beddelin, waa malaha sababta ay Soomaalidu u tidhaahdo, “Waano dhalaln baa ka adag” Trump waxa uu weli sii waday dabeecadihii kakanaa, iyo gacan ka hadalkii. Xilligiisii jaamacadda fasalka aad ayaa uu ugu dhex dagaalami jiray, tusaale ahaan arday ayaa uu mar mafiiq si xun ula dhacay oo laga qaban kari waayey, mar kalana wiil ay murmeen ayaa uu ku sigtay in uu ka soo tuuro daaqadda fasalkiisa, oo dabaqa sare ahaa, haddii aanay maalintaas ardayda kale ee fasalku ku gutan lahaynna, ceeb iyo dhagar ayaa dhici lahayd. La soco…