Facebook Oo Shaaciyey Geerida Mulkiilaha Shirkadda Mark Zuckerberg Iyo Malaayiin Macaamiil Ah Oo Nool

0
807

1Washington (Geeska)- Cillad farsamo oo si kooban ugu timid bar-kulanka xidhiidhka bulshada ee Facebook galabnimadii jimcaha ayaa sababtay in uu Facebook ku daabacmo ogeysiis sheegaya dhimashada Malaayiin qof oo ka mid ah dadka isticmaala bar-kulankan caanka ah. arrinta xiisaha gaarka ah yeelatay ayaa ah in dadkaas uu Facebook dhimashadooda shaaciyey uu ku jiro Mark Zuckerberg oo ah aasaasaha iyo agaasimaha fulinta ee Facebook.

Dad badan ayaa marka ay Facebook fureen xagga sare ee boggooda ku arkay ogeysiis xus dadka dhintay ah oo macaamiisha ka dalbanaya in ay tacsiyadeeyaan oo aanay illaawin dadkaas, ogeysiisyadaas mid ka mid ahina waxa uu u qornaa sidan, “Waxa aanu ku rajo weynahay in dadkii jeclaa Mark ay ka yara nastaan waxyaabaha kale ee dadka kale bartooda Facebook  kula wadaagayaan oo ay xusaan noloshii Mark”

Si kastaba ha ahaato ee Facebook si dhaqso ah ayaa uu uga cudur-daartay cilladdaas farsamo, waxa aanu bogaggiisa macaamiisha ku qoray, “Waxa uu ahaa qalad fool xun, waana aanu cillad saaray, aad ayaa aanu uga xunnahay in uu dhaco”

Facebook waxa uu u ogol yahay macaamiishiisa in ay faylashooda u beddelaa bogag xusuuseed, dhimashadooda kadib, si ay ugu suurtogasho dadka kale ee bogga isticmaala ee qofkaas garanayaa in ay tacsidaas ku faafiyaan bogaggooda, sidoo kale maamulka Facebook waxa uu ogol yahay, in dadka leh dhaxalka qofka dhintay ay dabadii sii maamuli karaan boggiisa facebook.

Waxa uu Facebook dadka adeegsada shabakaddooda fursad u siinayaa in dadka bogagga ku lahaa ee dhinta ay qoysaskoodu sii maamuli karaan bogaggan, sida loogu ogolaanayaana ay tahay in ay marka hore soo qoraan codsi rasmi ah oo ay ku caddayaan ehelnimadooda qofka dhintay iyo sidoo kale shahaadooyin dhimasho ee qofkaas, haddii codsigaas ah sii isticmaalka bogga qofka dhintay facebook ogolaatana waxa ay calaamad uga dhigaysaa in qofka dhinaciisa uu ku qormo ereyga ah, ‘Xus’ waxa kale oo uu joojinayaa in dadka uu xasuusiyo taariikhda dhalashada sida uu marka kale sameeyo.

Illaa hadda lama garanayo sababta rasmiga ah ee keentay ciladdan Jimcihii khalkhalisay dad badan oo si qaldan ogeysiiska dhimashadooda loogu arkay Facebook.

Sida lagu sheegay warbixin uu Geeska Afrika turjumay Facebook oo ah barkulanka bulsho ee dunida ugu shacbiyadda badan waxaa adeegsada 1.79 Bilyan oo qof.