Trump Saacadihii U Dambeeyey Guuldarradiisa Waxaa Loogu Ducaynayey In Rabbi Ka Qabto Isbahaysiga Shaydaanka

0
570

Subaxnimadii khamiista ee toddobaadkii hore oo ay si cad marba marka u dambaysa u sii badanayey codka guusha ee uu haystay Biden waxa uu Trump aqalka cad ku qabsaday duco aad u ballaadhan oo gabadh u ah sheekaddiisa kala Talisa dhinaca ruuxdu ugu ducaynaysay in uu ku guulaysto doorashada.

Warbaahinta Maraykanka iyo baraha ay bulshadu ku xidhiidho ayaa si aad ah u faafinayey muuqaalka wadaadan lagu magacaabo Paula Whight oo madal aqalka cad ah oo ay taageereyaasha Trump isugu yimaaddeen ka akhriyeysa ereyo ay ku sheegayso in Trump uu ka guulaysto waxa ay ugu yeedhay isbahaysiga Shaydaanka ee donaya in ay Trump ka xadaan doorashada, iyada oo u jeedda xisbiga dimuqraaddiga oo uu Trump ku eedaynayo in ay sameeyeen wax is dabamarin iyo sharci darro ay ku heleen codadka ay dheer yihiin. Kulankan ducada loogu yeedhay ayaa qabsoomay xilli uu Joe Biden si cad Trump ugaga horreeyo codadka guud ee dadweynaha Maraykanka iyo codadka kulliyad doorasho ee ah kuwa sida rasmiga ah loogu kala baxayo guusha.

Ereyada ay wadaadan Paula Whight ku ducaynaysay waxaa ka mid ahaa, “Dhawaqii guusha ayaa ay dhegahaygu maqlayaan, Rabbi baa ila hadlaya oo ii sheegaya in guushii ay dhacday .. waxa aan maqlayaa guul, guul, guul”

Madaxweyne Trump ayaa weli diiddan natiijada doorashada ee uu codadkii taariikhda Maraykan ugu badnaa ku helay Joe Biden, waxaana jira dhaqdhaqaaqo aan buurnayn oo dhinaca sharciga ah oo uu doonayo in codadka goballada qaar lagu laalo ama dib loogu celiyo tirintooda. Laakiin weli lama oga go’aanka kama dambaysta ah ee uu Trump qaadan doono iyada oo uu qorshuhu ahaa in dhaqso ay shaqo maalmeedka dalka u bilaabaan guddida kala guurka ee uu madaxweynaha la doortay magacaabi doono iyo gacanyareyaasha madaxweynaha jooga xilka.

Dacwadaha ka sokoow waxaa jira cabsi badan oo laga qabo waxa uu madaxweyne Trump yeeli doono iyo tallaabooyinka uu qaadi doono muddada afarta bilood ah ee ka horreysa waqtiga xil wareejinta iyada oo uu dastuurku awood buuxda oo uu tallaabo kasta qaadi karo siinayo muddadaas, waxa se jirta in sharcigu uu madaxweynaha la doortay u ogolaanayo in marka uu xilka yimaaddo uu dib u eegis ku samayn karo tallaabooyinka uu madaxweynuhu qaaday muddadii kala guurka, haddii aanu ku qanacsanayn.