Warbaahin Caalamiya Oo Sheegtay In Somaliland Door-bidayso Inay xidhiidh La Yeelato Isreal

0
804

Somaliland waxay noqon kartaa Goob Laga llaaliyo Marinka Bab el-Mandab Oo Muhiim U Ah Isreal iyo Dunida kaleba

Hargeysa (Geeska) – Warbaahinta Dunida badhkood ayaa Saadaaliyey inay Suurto-gal tahay in Somaliland heshiis Diblumaasiyadeed la gasho isla-markaana ay aqoonsato Dawladnimada Isreal.

Warbaahinta qaarkood ayaa sheegay inay Somaliland door-bidayso inay ka mid noqoto dalalka Muslimka ah ee heshiiska la galay Isreal, taas uu ku soo beegmi karta xilligan oo uu soo fiicnaanayo xidhiidhka Isreal iyo dunida Muslimka ah.

Wargeyska Business Week ayaa soo weriyey in Somaliland danaynayso Xidhiidh ay la yeelato Isreal, isagoo Wargeysku u daliishaday Xildhibaano ka mid ah Golaha Baarlamaanka Somaliland oo Waraysiyo si gaar gaar ah looga qaaday ku sheegay inay muhiim tahay in Somaliland xidhiidh la yeelato Isreal.

Wargeysku wuxuu sheegay in Saddex Xildhibaan  ay Dawladdooda ka codsadeen inay aqoonsato Isreal, xidhiidhna la samaysato Tel Aviv.

Xildhibaannadan uu Wargeysku soo xigtay oo kala ah Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) oo ka mid ah Golaha Wakiillada, Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka mid ah Golaha Guurtida iyo Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi oo ka mid ah Golaha Wakiillada ayuu Wargeysku sheegay inay Markhaati u tahay in Somaliland danaynayso xidhiidh ay la yeelato Isreal.

Wargeysku wuxuu sheegay in danaynta Somaliland ee Xidhiidhka Isreal uu ku yimid heshiiska Isreal la gashay Imaaraadka Carabta, waxayna u aragtaa in dalkan aan dunidu aqoonsanayn uu noqon karo Lamaanaheeda Afrika.

Wargeysku waxa kale oo uu soo xigtay Wakiilka Somaliland ee Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar, kaasi oo sheegay in heshiiska Isreal iyo Imaaraadku uu Tusaale wanaagsan u yahay Iskaashiga Dalalka Dunida ee daneeya Xasiloonida iyo Amniga Gobolka.

Ugu dambayn, War-bixinta uu Wargeysku arrintan kaga hadlay oo uu Ciwaan uga dhigay ‘Somaliland diyaar bay u tahay inay xidhiidh la yeelato Isreal..’, ayuu kaga warramay Ahmiyadda dhuleed ee Somaliland, badda Cas iyo marinka Bab el-Mandab oo Somaliland noqon karto goob laga difaaco ama laga ilaaliyo Maraakiibta sida joogtada ah u isticmaala, taasi oo uu Wargeysku xusay inay muhiim ka sii dhigayso xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Isreal.

 

Geeska.net/Hargeisa Office