Trump Oo La Tegey Shandaddii Fureyaasha Nukliyeerka Iyo Tallaabada Ay Qaadeen Khubarada Nukliyeerku (Q.1aad)

0
674

Shandadda Nukliyeerka u magacoow ama Shandadda kubadda cagta iyo shandadda buskudku dheh oo waa magaca loo yaqaanno mid ka mid ah saddex shandadood oo uu ku jiro xidhiidhka nukliyeerka Maraykanku.

Saddexdan shandadood mid ka mid ah waxaa la dhigaa qaybta kaydka gaarka ah ee xarunta gaashaandhigga Maraykanka oo Pantegon loo yaqaanno. Shandadda labaadna waxa ay taallaa xafiiska madaxweyne ku xigeenka.

Labadan shandadoodba waxaa loogu talagalay in ay kayd ahaan u yaallaan si loo isticmaalo haddii ay timaaddo baahi degdeg ah oo shandadda saddexaad lagu waayo.

Haddaba Shandadda saddexaad waxaa haya madaxweynaha Maraykanka oo askari ka tirsan ciidamada Marines ku uu habeen iyo dharaarba la joogo meel aan aad uga fogeyn madaxweynaha.

Safarrada dunida uu ku tegeyo iyo kuwa dalka gudihiisaba shandadaddani waa ay raacdaa, waana shayga ugu dambeeya ee uu madaxweynaha Maraykanku ku wareejiyo madaxweynaha xilka ka beddelaya.

Sida caadiga ah madaxweynaha Maraykanku xil badan oo uu wareejiyo maalinta uu xilka ka tegeyaa ma jiro, maadaama oo muddo laba bilood ka badan oo u dhexeysa doorashada iyo xil wareejinta ay si joogto ah u shaqeyso kooxda loo yaqaanno kala guurka oo uu madaxweynaha la doortay soo igmado iyo hay’adaha dawladda oo dhan oo xilka mid mid ugu wareejiya. Hay’adahaas xil ku wareejiya kooxda kala guurka waxaa ka mid ah aqalka cad ee madaxweynaha.

Dalka Maraykanku waa dal hay’adihiisa dawladeed dhismeen shaqaale iyo masuuliyiin joogto ahina ka hawlgalaan sidaas awgeed baahi badan looma shaqo wereejinta masuulka hay’adda ugu sarreeya ama xitaa madaxweynaha, marka laga reebo hal shay oo madaxweynaha xilka bannaynayaa uu gacantiisa ugu wareejiyo madaxweynaha cusub.

Shaygaas oo ah kan ugu muhiimsan xilwareejintu waa shandadda Nukliyeerka oo ah shandad uu ku rakiban yahay qalab u suurtagelinaya in uu si toos ah ula xidhiidho taliska gaarka ah ee ciidamada Maraykanka u qaabilsan ridista Nukliyeerka, si aanu madaxweynuhu amarka bixintiisa ula daahin haddii si kedis ah loo baahdo.

Boorashada Nukliyeerka, Kubadda cagta Nukliyeerka ama shandadda xaaladaha degdegdegga ah mid kasta oo loogu yeedhaba waa shandad culayskeedu dhan yahay 20 kiiloogaraam oo uu ku jiro qalab lagu dahaadhay gal jaandi ah, dusheeda sarana uu madow yahay.

Qalabka ku rakibani waxa uu ku shaqeeyaa kaadh aqoonsi u gaar ah oo biskudka loo yaqaanno, waxa aanay leedahay fureyaal sir ah oo madaweyne kasta oo yimaadda kuwii hore laga beddelo kuwo cusub oo isaga u gaar ahna lagu xidho. Laakiin sida ay dadka qaar moodaan shandaddan kuma jiro batam taabashadiisu ay ridayso ama ka shaqaysiinayso gantaalaha nukliyeerka. Balse waxaa u jira isgaadhsiin gaar ah oo madaxweynuhu uu si toos ah ugala xidhiidhi karo cidda gacanta ku haysa gantaalaha nukliyeerka, si uu u siiyo amarka ridistooda.