Itoobiya Oo Biyo Xidheen Labaad Ka Duwaysay Webiga Niilka Iyo Khilaafka Biyo Xidheenkii Hore Oo Aan La Xallin

0
715

Wasiirka biyaha, waraabka iyo tamarta ee Itoobiya Seleshi Bekele iyo madaxweynaha dawlad deegaanka Amxaaradaha Agegnehu Teshager ayaa 10 kii Jeenaweri dhagax dhigay biyo xidheen cusub oo laga dhisayo gobalka Amxaaradda.

Biyo xidheenkan oo dhismihiisu uu ku soo beegmayo xilli weli xal loo la’yahay khilaafkii hore ee dalalka Itoobiya, Masar iyo Suudan isku mari la’aayeen biyo xidheenka Hidaase ee ay Itoobiya ka leexinayso biyaha webiga Niilka oo ah tiirka koobaad ee nolosha Masaarida.

Biyo xidheenkan cusub oo ay dhismihiisa ku baxayso lacag dhan 125 Milyan oo doolar, waxaa dhismihiisa qandaraas lagu siiyey shirkadda dhismaha rayidka ah ee Shiinaha oo magaceeda loo soo gaabiyo ‘CCEC’ oo kaashanaysa wakaaladda hawlaha biyaha iyo dhismaha ee gobalka Amxaarada.

Dhismaha biyo xidheenkan ayaa la qorshaynayaa in lagu dhammaystiro muddo 3 sano ah, waxaana mashruuca qayb ka ah dhismaha 7 kun oo hektaar oo ah dhul gobalka laga beerayo oo biyo xidheenkan cusub laga waraabinayo. Ku talagalkuna waa in ay mashruucan qabashada biyaha iyo beerista ah ka faa’iidaystaan 28 kun oo qoys.

Waxaa xusid mudan in dawladda Itoobiya ay labaatankii sano ee u dambeeyey hirgelisay biyo xidheenno kala duwan, kuwaas oo marka mashruuca hadda gobalka Amxaarada ka socda laga tago uu ugu dambeeyey mashruucii Kuuwishaa ee biyaha korontada lagaga dhalinayey oo laga hirgeliyey deegaanka xuduudka Kenya ku dhereran ee gobalka shucuubta Koonfureed ee dalka Itoobiya. Biyo xidheenkaasiwaxa uu awood u leeyahay in uu soo saaro 2160 Megawatts oo koronto ah.