Xukuumadda Somaliland Ka Hadashay Doorashooyinka Wakhtigooda La Muddeeyay & Go’aan Laga Sugayo Golaha Guurtida

0
710

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay marxaladda siyaasadeed ee dalku halkay marayso, gaar ahaan Doorashooyinka la filayo in sannadkan ay dhacaan, xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Beesha Caalamka.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Prof: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn isagoo isagoo ka hadlay Siyaasadda Arrimaha Dibadda iyo xidhiidhka Beesha Caalamka, ayaa hadalkiisi ku bilaabay “Hadda meel fiican bay wax inoo marayaan, oo waxaynu xidhiidh dublamaasiyadeed iyo xidhiidh iskaashiba leenahay Wadamo badan oo aynu jaar nahay iyo Wadamo badan oo kale, Dawlad ahaana waanu wadnaa xidhiidhkeena dublamaasiyadeed ee aynu kula xidhiidhinayno Caalamka si aynu cid walba u tusno jiritaankeena iyo inaynu nahay dal jira oo wax badan qabsaday”.

Mar uu ka hadlayey wakhtiga ay Komishanku u qoondeeyeen Doorashooyinka, is fahanka Xisbiyada iyo aragtida Beesha Caalamka ayuu yidhi “Waxaynu heerkan aynu maanta marayno  ku soo gaadhnay is fahan, isku duubni, isku tanaasul iyo wada tashi, Caalamkunu wuxuu aad ugu bogay isku duubnida, is fahanka iyo wada tashiga ay muujiyeen Xukuumaddeena, Xisbiyadeena Qaranka, Komishankeena iyo Shacabkeena, iyo sidaynu u rabno in Doorashooyinku dalkeena ka dhacaan, wakhtiga laga wada raalida yahay, insha allaah Golaha Guurtiduna la mawqif ayey noqon doontaa, waxaana xaqiiqo ah in Caalamkuna uu arkaa geedi socodka dimuqraadiyadeed, niidaamkeena dawladnimo iyo kala dambaynta dalkeena ka jirta, Caalamku wuu arkaa in inagoo wali helin aqoonsiga aynu xaqa ugu lahayn in haddana aynu gaadhnay meelo aanay gaadhin dawladda horumaray, oo aqoonsi caalamiya haysan, maadaama nidaamkeena dawladnimo iyo wada tashigeena uu keenay inaynu u gudubno nidaamka Xisbiyada, isla-markaana dadkeenu wax dooran karaan, lana dooran karo, Doorashooyinkii kala duwanaa ee dalkeena ka dhacay, ee kala ahaa labadii Doorasho ee Golayaasha Deegaanka, saddexdii Doorasho ee Madaxtooyada, iyo Doorashadii Golaha Wakiilada, dadku iyagaa iskood wax u dooranayey, Caalamkuna aad buu inoogu bogay, haddana waxaynu ku rejo weyn nahay in Doorashooyin fiicani inoo dhacaan, ta kale Caalamku wuu ka war qabaa inaynu Soomaaliya isku meeqaam joogin, isku xaaladna ku jirin, oo inagu waxaynu nahay dal leh hiigsi, himilo iyo horu socod, ee dib u socod yeeli mayno, ee Beesha Caalamku ha ka marag kaco madax banaanidayada, anaga oo ah sharci ahaan dal jira, oo buuxiyey shuruudihii looga baahnaa dal la aqoonsan yahay, dhammaan Hay’adihii dawladnimana way noo dhamaystirsan yihiin, dalkeenana waxaa ka jira xasilooni buuxda, ALLE ha inoo siyaadiyee,  Soomaaliyana waxaanu leenahay midnimo dambe dhici mayso ee aynu ahaano laba dal oo jaarnimo ka dhexeeysa, oo dawladdayada, dalkayaga iyo dadkayaba ixtiraama, markii hore anaga oo dal ah ayeynu isku biirnay, markii dambena anaga ayaa dib ula soo noqonay qaranimadayadii”.

Mar uu Shacabka baaq u diraayey ayaa yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu farax nahay sida qiimaha iyo quruxda badan ee Shacabkeenu u muujiyeen muwaadinimadooda iyo siday isku diiwaangeliyeen, waxaan kale oo aan aad ugu faraxsan nahay sida fiican ee ay Shacabkeenu u jecel yihiin dalkooda, dawladdooda iyo calankooda, ee meel kasta oo ay joogaana waxaan ku boorinayaa inay qaranimadooda muujiyaan, waxaan ku dhiirigeliyaa in mar walba isku duubnaadaan, oo qaranimadooda wax ka walba ka doorbidaan, kana fogaadaan qabyaaladda iyo wax kasta oo colaysiinaya…”.

Geeska.net/Hargeisa Office