Tony Blair Waxa Uu Hurinayaa Dagaal Mucatab-Ku- Dirir Ah In Lagu Qaado Islaamka Qunyar-Socodka Ah

0
743

London (Geeska)- Wargeyska caanka ah ee The Guardian oo ka soo baxa carriga Ingiriiska ayaa subaxnimadii khamiiseed ee 24ka Bishii afaraad dhoweyd waxa uu qoray maqaal si adag loogu weerarayo hadalkii u dambeeyey ee uu dhowaan jeediyey raysalwasaarihii hore ee dalka Ingiriiska Tony Blair. Hadalkaas oo uu Blair dunida reer galbeedka kula dardaarmay in ay xooggooda isugu geeyaan la dagaallanka waxa uu ugu yeedhay islaamka xag-jirka ah. Saxafiga caanka ah ee Seumas Milne oo ka tirsan oo ka tirsan wargeyskan The Guardian ayaa maqaal uu ku qoray wargeyska waxa uu si adag ugu naqdiyey khudbaddaas u dambeysay ee uu jeediyey Blair, oo ay sidoo kale ka mid ahayd ereyo uu si adag dunida reer galbeedka ugu dhiirri gelinayey in ay dhan iska dhigaan khilaafka ka dhexeeya iyaga iyo Ruushka iyo Shiinaha oo ay u gacan baxaan ka hortagga iyo dagaalka waxa uu ugu yeedhay Islaamka Xag-jirka ah ee ku soo badanaya dunida.

Maqaalkan oo cinwaankiisu afkeenna ku noqonayo, (Dagaal Islaamka lagu qaado nacayb iyo colaad ayuun baa ka kordhaysa” ayaa uu saxafigu khudbadda Tony Blair ka jeediyey London ku tilmaamay, mid la xidhiidhsan waxa uu ugu yeedhay dhoolla tuska sumaysan ee uu raysalwasaaraha hadda ee Ingiriiska David Cameron ka wado gudaha iyo dibadda dalka Ingiriiska. Qoraalka wariyahan oo uu wargeyska Geeska Afrika soo turjumay waxa uu ku sheegay in hadalladani ay u danaynayaan soo noqoshada xisbiyada siyaasadahooda midigta xigaan oo siyaasadooda ay tahay in ay si fool xun isugu dhex qasaan faro-gelinaha milateri ee dalalka dunida lagu sameeyo iyo cadaadis iyo cabudhin gudaha laga sameeyo, taas oo uu sheegay in ay tahay caqiidada Yuhuudda iyo Kiristaanka iskaashanaya oo ay xisbiyadani fuliyaan.

Ugu dambayntii qoraagu waxa uu ka digay in siyaasaddaas uu weli raysalwasaaraha hore ee Ingiriisku dhiirri gelinayo waxa keliya ee ay dunida ku soo kordhisay ay tahay xaaladaha aynu ognahay ee Afghanistan, Ciraaq, Guantanamo iyo qaraxyadii London, kuwaas oo uu sheegay in ay ka sii dari doonaan haddii la raaco talada Blair. Seumas Milne oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku dooday in dhawaaqa Blair ee uu mar kale doonayo in dagaal lala galo waxa uu ugu yeedhay khatarta islaamka xag-jirka ahi ay tahay isla khiyaamadii ay isaga iyo Bush hore dadka ugu majaro habaabiyeen ee keentay xasuuqa ka dhashay dagaalka loogu yeedho, Dagaalka ka dhanka ah argagaxisada. “Blair waxa uu bilaabay ol’ole mucatab-ku-dirir ah oo cusub oo Islaamka siyaasiga ah lagula dagaalamayo, isaga oo dhinaca kalana ku baaqaya in lala heshiiyo Ruushka iyo Shiinaha si loogu gacan baxo dagaalka ka dhanka ah kuwa uu ugu yeedhay, Islaamiyiinta qunyar-socodka ah, taas oo uu u arko in ay ka hortageyso in Islaamka xag-jirka ahi faafo” ayaa uu yidhi wariye Seumas Milne, isaga oo Blair aad ugu naqdiyey sida is-indho tirka ah ee uu u taageero digtaatooriyadda mar kale ku soo noqotay Masar iyo dowladaha boqortooyada ah ee Khaliijka oo la og yahay in ay dadkooda cabudhin iyo cadaadis ku hayaan, kana soo horjeedaan dimuqraadiyadda. Ugu dambayntiina waxa uu hadallada Blair ku tilmaamay kuwo k gudbay xataa xuduuddii munaafaqnimada.