Askari Xabsi Kala Baxsaday Maxbuusad Uu Jeclaaday, Laakiin Markii Ay Dibadda U Baxday Ku Wacad Furtay

0
882

Qaahira (Geeska)- Arrin Nooceeda tii ugu horreysay dalka Masar ah, ayaa ay noqotay markii sarkaal ka tirsan ciidamada asluubta ee dalkaasi uu xabsiga kala baxsaday gabadh maxbuusad ahayd oo weliba loo haystay dhowr dacwadood. Askarigan oo magaciisa la yidhaahdo, Amjad Muxamed Ammiin ayaa xabsi uu ka mid ahaa askarta masuulka ka ah ilaaladiisa waxa uu kala baxsaday Randa Khadiir oo ah 26 jir, kadib markii ay dhex martay qiso jacayl oo 5 bilood si qarsoodi ah xabsiga gudihiisa uga socotay. Askarigan iyo maxbuusaddu muddadan ay haasaawayeen waxaa ka dhex abuurmay jacayl iyo is-faham adag, laakiin nasiib-darrada jacaylkoodu waxa ay ahayd gabadha noo xabsigeedu dheeraa loona haystay dacwado badan, sidaa awgeed si ay dhaqso isu calfadaan ayaa ay ku heshiiyeen in uu askarigu fududeeyo inay xabsiga ka baxsato, marka ay dibadda u baxaanna dhaqso isu guursadaan.

Askarigii oo sida la sheegay jacaylku dhankiisa ku xoogganaa waxa uu markiiba si degdeg ah u qorsheeyey sidii uu gabadhan ugala baxsan lahaa xabsiga, taas oo uu ku guulaystay kadib markii uu ka faa’idaystay mar Randa xabsiga laga soo saaray si cisbitaal loo geeyo, maadaama oo ay xanuun ka cabanaysay.

Arrinta xiisaha lihi waxa ay tahay in markii lammaanahani ay xabsigii iskala baxeen ee uu askari Amjad isu diyaariyey wejigii labaad ee qorshahooda oo ahaa in ay is guursadaan, in khilaaf soo dhex galay oo ay caqabad adagi ka hor timid guurkooda. Sida muuqata haweenaydani jacaylka askarigani uguma uu weynayn sida ay iska yeel-yeelaysay, laakiin askariga bes ayaa ay xaaladdu ka maraysay. Lammaanahani waxa ay ku heshiin waayeen guurkii iyo qaabka loo gelayo, taas oo keenta inay mashruucooda wejigiisii labaad ee guurka aha fuli waayo.

Qaabka uu askarigani ula baxsaday maxbuusaddan ayaa ahaa in markii cisbitaalka la keenay inta uu u yimi askari ilaalinayey maxbuusadda oo uu isagu ka darajo sarreeyey, ka dalbaday in uu cunto u doono gabadha. Iyadana waxa uu hore ugu sii sheegay in marka askariga ilaalinayaa uu ka dhaqaaqo uu isaguna iska dhigi doono nin mashquulay, iyaduna ay sidaas ku baxsato oo ay raacdo baabuur uu u sii diyaariyey, isla markaana ay tagto guri uu u diyaariyey inay deggenaato inta ay hawsha guurka dhamaystirayaan. Aakhirkii ciidamada ammaanka ayaa mar kale gacanta ku soo dhigay askarigii jacaylku qaaday iyo gabadhan.