Toban Xogood Oo Ku Saabsan Hoggaamiyaha Sirta Badan Ee Kuuriyada Woqooyi Kim Jung-Un (2)

0
588

Picture1Pyongyang (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee taxanihii uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa dhowr dabeecadood iyo xogo ku aaddan shakhsiyadda hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi oo laga soo xigtay warbaahinta iyo dad aqoon dhow u leh hoggaamiyaha. Qormooyinkan oo uu wargeyska Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska National Post ee ka soo baxa dalka Kanada waxaa ay u dhignayd sidan:

– Waxa uu hadda ka qayb qaadanayaa sawirridda filim cusub oo lagu soo bandhigayo qorshe Kuuriyada woqooyi leedahay oo ah in ay soo qafaalato askar Maraykan ah oo tiradoodu gaadhayso 150 kun oo askari.

– Dhowr jeer ayaa lagu sameeyey qalniinno qurxin ah, si loogu ekeysiiyo awoowgii aabo Kim Ill Sung oo ah madaxweynihii ugu horreeyey ee Kuuriyada Woqooyi.

– Waxa uu amar ku bixiyey in la dhiso boodh dhererkiisu dhan yahay 560 mitir oo ku dul yaalla buur dheer, kaas oo lagu qoray, “Ha noolaado Janaraal Kim Jung-un” Intaas oo keliyi kuma qorna ee waxaa ku sii hoos qoran ereryo ku qoran xarfo midkiiba cabbirkiisu le’eg yahay 20 mitir oo macnahoodu noqonayo, “Qorraxda soo baxaysa ee Kuuriyada woqooyi”

Degelka internet ka ee The Onion oo laga leeyahay dalka Maraykanka laguna baahiyey wararka maadayska iyo qosolka loogu talo galay ayaa mar hoggaamiyaha Kuuriyada Woqooyi u doortay, in uu yahay shakhsiyadda ugu saamaynta iyo indho-soo-jiidashada badan sannadka 2012ka. Warkaas oo lagu sheegay in uu ahaa ilaaq, waxaa si weyn u qaatay oo sidii oo uu war run ah yahay uga faa’idaystay warbaahinta dalka Kuuriyada Woqooyi.

–  Dabeecadaha yaabka leh ee hoggaamiye Kim Jung-un waxaa ka mid ah in uu ka baxo Timo-jarayaasha (Rayiislaha), sidaa awgeed ma’ ogolaado in uu u xiiro ruux timo-jare ahi, isaga ayaana gacantiisa ku xiirta. Qaabka uu u xiirtaana waxa uu dalkaas iyo meelo kale oo badanba ka noqday xiirasho casri loo arko oo lagu magacaabo Xiirashada dhalinyarada.