Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Hawlgal Ay Ku Jarayso Dhirta Garanwaaga Ka Fulisey Wadada Madaarka Tagta

0
384

Hargeysa(Geeska)- Maayarka Caasimadda Hargeysa ayaa Shalay bilaabay hawlgal balaadhan oo uu laamiyadda u baxdda madaarka Hargeysa kaga jarayo dhirta loo yaqaan Garanwaaga oo dhibaato badan ku haya dadka iyo bilicdda caasimadaba.

Maayarka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa sheegay in marka uu hawlgalkna lagu jarayo garanwaaga ay ku xigi doonnto dib u dhiska wadadan oo ay iska kaashan doonto xukuumadda dhexe, dawladda hoose iyo shacabka reer Hargeysa taas oo la dhigi doono Laami roog ah oo tan madaxtooyadda hor marta ah.

Dhinaca kale, maayarku waxa uu shacabka reer Hargeysa ku wargeliyey inay soo bixiyaan cashuurtii guryaha ee ku waajibtay taas oo uu sheegay in aan 50% wali cidi bixin, haddii la bixin waayana uu sheegay inay ka dacweyn doonaan maxkamadaha.

Agaasimaha arrimaha Bulshadda Khadar Khadar Yuusuf Cali oo ka warbixinaya hawlgalkan balaadhan ayaa yidhi “Waxa farxad weyn noo ah hawlgal balaadhan, taas oo lagu jarayo dhirta waxyeeladda ku haya dhulka, kuwaas oo looyaqaano Garanwaaga oo byihii u qabanaya wadooyinkii, waxaana maayarku amar ku bixiyey in laga bilaabo Wadada tagta madaarka oo ah halkii ishu qabanaysay in laga xaadho garanwaagaasi”

Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko oo isna dhankiisa ka hadlaya hawlgalkan ayaa yidhi  “maanta (Shalay) waxaanu halkan ka bilownay mashuur dhawr qaybood iskugu jira, wejiga kowaad waa  in la baneeyo biyo mareenaddii oo laga jaro dhirtan garanwaaga loo yaqaan , arrinta labaadna waa in shacabku ka daayaan qashinka ay biyo mareenadda ku shubayaan oo ay u dhiibaan shirkadaha qashinka gura, marka qashinka ka buuxiyaan biyo mareenaddii waxa xidhmaya meelihii biyuhu mari lahaayeen ka dibna biyihii waxay soo galayaan laamiyaddii oo ay burburinayaan, marka intaasi dhamaatana waxaanu ku xigsiinaynaa in dib loo dayax tiro oo la dhigo laamidii adkayd ee Roogga ahayd maadaama oo wadadani tahay tii madaarka oo ishu qabanayso, waxaana taas iska kaashan doonna dawladda hoose, dawladda dhexe iyo shacabka, waxaana ku bixi doonna kharash badan waayo waa waddo aynu rabno inay konton sano waxba noqon”

“dadweynaha waxaan leeyahay haddii aad qashinka ku daadisaan wadooyinka ogow in aanu maayarka iyo golaha deegaaku kaligood waxba ka qaban Karin haddii aanu shacabku is kaashan, mark aka daaya qashinka aad wadooyinka ku xidhaysa ee u dhiiba shirkadaha qashinka guraya oo diyaar idin ah”ayuu hadalkiisii raaciyey.

Maayar Soltelko oo dadweynaha ugu baaqaya in cashuurta soo bixiyaan si wax loogu qabto waxa uu yidhi   “waxaan fariin u dirayaa shacabka reer Hargeysa oo aan leeyahay cashuurta iska soo bixiya waxaynu marayna bishii octobar illaa hadda 50% may bixin, waxaana idin sheegayaa hadii ilaa  November bixn waydaan waxaan ka dacweyn doonnaa maxkamadaha cidii aan bixin, cashuurtu waa ta wax lagu qabanayo waa ta magaaladda lagu qurxinayo ee wadooyinkan lagu dhisayo ee cashuurta bixiyaa dadweynow”

Dhinaca kale, Maayar Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko ayaa galinkii dambe ee maanta (Shalay) oo roobab ka da’ayeen caasimadda bilaabay inuu qashinkii wadooyinka  soo gallay ee daadadku keeneen ka guro, isagoo hogaaminayey cagafcagafyaddii dawladda hoose.