Toban God Oo Ka Samaysmay Dhulka Oo Si Mucjiso Ah Hoos Ugu Go’ay Iyo Dalalka Ay Ku Yaallaan

0
606

1Hargeysa (Geeska)- Qormadan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda wararka bariga dhexe ee MBC ayaa ka warramaysa godad guntooda hoose aan illaa hadda cidi ka soo warramin oo ku yaalla dalal kala duwan oo dunida ah.

Hore waxaa dunida uga dhacday in dhulku uu liqay shaaracyo dhan oo ay ku jiraan dhismayaashii ku yaallay iyo wixii gaadiid markaas marayey, waxa ay ku dhaceen godad waaweyn dibna looma arkin raadkoodu meel uu ku dambeeyey.

1. Bowling Green: Xilli goob ku taalla magaalada Bowling green oo ka mid ah gobalka Kentucky ee dalka Maraykanka laga waday goob dalxiiska loo tago oo dhul aad u weyn ku fadhida ayaa ay dhacday masiibo dabiici ah oo fashilisay gebi ahaanba qorshahaas, kadib markii dhulkii dhismahani ka socday uu mar keliya hoos u go’ay, wixii dul saarnaa oo dhanna geeyey gun hoose oo aan inta ay sii qodan tahay cidi arki karin.

Sidii ayaa uu ku joogsaday qorshahaas loo bixiyey masiibadii Bowling Green, waxa aana illaa hadda u yaalla godkaas aadka u weyn.

2. Godka Magenji: Gobalka Pennsylvania ee dalka Maraykanka waxaa ku yaalla god weyn oo muuqaalkiisa argagax leeyahay, godkan ka sokow waxaa gobalkanlagu arkaa xaalado ah in dhulku uu hadba meel ka go’o.

Khubarada cilmiga dhulka ayaa sheegay in biyaha oo ku yaraaday lakabka sare / qolafta dhulku ay sababaan dhul go’a, tirada badan ee gobalka. Dhul go’a gobalkan lagu arko oo lagu tilmaamo kuwa ugu xun eeka dhaca dunida ayaa marar badan sababay in dhulku uu mar keliya liqo jidad xitaa mararka qaarkood iyada oo la arkay oo si argagax leh dadku u eegayaan.

3. Godka Shaydaanka: Gobalka Texas ee dalka Maraykaka waxaa ka jira god kale oo isna aad muuqaalkiisu u argagax badan yahay. Godkan oo ay dadku ku magacaabaan godka Shaydaanka waxa uu ku fadhiyaa dhul ballaciisu dhan yahay 15 Mitir, halka hoosna uu u qodan yahay illaa 42 mitir. Godkan waxaa hoy ka dhigtay oo deggen shimbirta fiidmeerta loo yaqaanno.

4.  Godka Florida: Gobalka Florida ee dalka Maraykanka waxaa ku yaalla god aad u weyn oo aan waayadii hore jiri jirin laakiin mar dambe uun laga arkay isaga oo ka qodan goob uu jiifsan jiray nin 37 jir ahaa oo lagu magacaabi jiray Jeffery Bush, ninkaas oo isaga oo goobtan jiifa uu dhulku si kedis ah ula go’ay ayaa aan dib maydkiisa loo arkin illaa hadda. Godkani waxa uu hoos u qodan yahay qiyaas ah 18 mitir, dhowaan ayaanay xukuumadda gobalka Florida dadka deegaanka ka mamuucday degitaanka guryaha ku dhow godkan.

5. Mount Gambier: Dalka Ustareeliya waxaa ku yaalla god weyn oo dabiici ah oo lagu magacaabo Gambier, laakiin godkani si ka duwan godadkii kale ee aynu soo marnay isagu ma’aha mid cabsi looga guuray, balse dawladda dalka Ustareeliya waxa ay uga faa’idaysatay dalxiiska.

Godkan oo markii uu go’ay kadib la’ arkay guntiisa oo si aad u qurux badan u beeran, dhulkuna wada cagaaran yahayhadda waa goob dalxiis oo dad badani tagaan waxa aanu ku yaalla magaalada Melbourne.

6. Godkii Xiddiga: Dalka Urdun gaar ahaa magaalada Caasimadda ah ee Cammaan waxaa ku yaalla god aad u weyn oo dhulka oo hoos u go’ay ah, waxa aana ka buuxa biyo midabkoodu buluug yahay oo marka la daawanayo aad u qurux badan.

Dadka reer Urdun waxa ay aaminsan yihiin in godkan uu ka samaysay dhagax weyn oo ka soo dhacay mid ka mid ah meerayaasha cirka kadibna dhulkan markii uu ku dhacay hoos u gooyey. Godadkan oo aan taariikhda uu samaysmay la garanayn waxaa sannad kasta taga dalxiisayaal aad u tiro badan.

7. Sarisaranama: Waa god dabiici ah oo ku yaalla dalka Venezuela ee koonfurta qaaradda Ameerika, dhererkiisu waxa uu hoos u go’an yahay qiyaas ah 350 mitir, guntiisa hoose oo dhir aad u tiro badani ka baxdana waxaa ku nool xayawaanno kala duwan. Muuqaalka godka oo aan illaa hadda aan xog badan laga haynin ayaa ah mid argagax leh oo ay khubaradu sheegee I noociisu uu dunida ba ku yar yahay.

8. Godka Guatemala City: Dabayaaqadii bishii labaad ee sannadkii 2007da, ayaa uu dhulku si kedis ah hoos ugu go’ay meel ka mid ah magaalada caasimadda u ah dalka Guatemala ee Guatemala , dhulka go’ay oo jooggiisa hoose lagu qiyaasay guri 30 dabaq ah dhererkiisa oo kale, ayaa u samaysan qaab goobo ah.

Arrinta naxdinta leh ayaa ah in godkani markii uu go’ay inuu liqay dhammaan wixii guudkiisa saarnaa, sidoo kalana waxaa ku dhintay laba ruux oo uu liqay halka dad kun lagu qiyaasayna laga daadgureeyey.

9. Berezniki: Godkan argagaxa badan ee lagu magacaabo Berezniki waxaa markii ugu horreysay la arkay sannadkii 1985kii, in kasta oo uu markaas hore gaabnaa haddana imika waxa uu jooggiisa hoose sii socdaa 200 oo mitir halka qaabkiisa laydkiga u samaysan uu ku fadhiyo dhul dhiac u ah 80 mitir, dhinaca kalaa 40 mitir. Godkan oo ku yaallaa dalka Ruushka ayaa laga cabsi qabaa in uu sii ballaadhan.

10. Godka Al-Qidaara: God lagu magacaabo Al-Qidaara oo ku yaalla lama-degaanka galbeed ee ee dalka Masar, ayaa ay khubarada cilmiga dhulku ku tilmaameen in uu yahay godka dabiiciga ah ee ugu khatarta badan dunida. Godkani waxa uu ku fadhiyaa dhul gaadhaya 120 Kiiloomitir, waxa aanu hoos u qodan yahay 133 Mitir.

Saynisyahannada dalka Ruushka ayaa imika wada qorshe ku kacaya 360 Milyan oo doolar oo ay doonayaan in ay daraaseeyaan sida ugu habboon ee godkan awoodda lagu arkay loogaga faa’idaysa karin soo saarista gaasta.