“Waxa Aan Ahay Amiirka Muuminiinta Ee Dhammaan Diimaha Dunida Ka Jira” Boqorka Dalka Marooko Ayaa Yidhi

0
620

Antananarivo (Geeska) Waraysigii ugu horreeyey ee uu warbaahinta siiyo tan iyo markii uu noqday boqorka dalka Marooko muddo 11 sano ka hor ahayd, ayaa uu boqor Maxamed ka Lixaad isku sheegay, “Amiirka dadka aaminsan dhammaan diimaha” Boqorka oo ku gudo jiray booqasho rasmi ah oo uu ku marayey dalal Afrikaan ah ayaa magaalada Antananarivo ee caasimadda u ah dalka Madagascar warbaahinta ugu sheegay in dhammaan dalalka uu maray, kuwa hore saaxiibka ula ahaa Marooko iyo saaxiibbada cusubba, gaar ahaan dalalka Bariga Afrika ay si aad ah u soo dhoweeyeen iskaashi xooggan oo dhex mara dalkiisa iyo dalalkan.

Haddaba boqorka oo ka jawaabayeys dood ka dhalatay mashaariic waaweyn oo uu dalkiisu ka maalgeliyey dalka Madagascar, kuwaas oo ay dadka dalkaas qaarkood ku doodeen in ay yihiin kuwo u faa’idaynaya muslimiinta oo keliya, ayaawaxa hadalladiisa ka mid ahaa, “Waa dood iyo warar aan waxba ka jiri” waxa aanu carrabka ku adkeeyey in ay yihiin mashaariic u danaynaya dadka dalkaas oo dhan. “Boqorka Marooko waa Amiirka muuminiinta dhammaan dadka aamisan diimaha kala duwan” Isaga oo intaas ku sii daray, “Marooko kama shaqayso ol’ole dadka diinta loogu yeedhayo, umana sococoto in diinta Isaamka ay dadka ku qasabto”.

Boqorka dalka Marooko ayaa intiii uu joogay dalka Madascar waxab uu booqday qasri la sheegay in uu deggenaan jiray awoowgiisii lagu magacaabi jiray, Amiir Maxamedka Shanaad, ee boqorkan hadda awoowgiiahaa, waxa uu dalka Madagascar tegey sanadkii 1953k, markii i uu gumaystihii Faransiisku dalkiisa ka soo saaray.

Waxaa xusid mudan in dalka Marooko uu sannadkii 1984kii ka baxay ururka midowga Afrika isaga oo ka calool xun Midowga Afrika oo jamhuuriyadda saxarafa Afrika ee damacsan in dalkaas Marooko ay ka go’do. Laakiin mar kale ayaa uu dalka Marooko dib u codsaday xubinnimadiisa Midowga Afrika oo aan weli go’aan rasmi ah laga gaadhin, balse loo badinayo in la aqbalo.