Qiimaha Raashinka Dunida Oo Laba Jibaarmi Doona

0
928

 

riceHargeysa (Geeska) Waxa ugu wacan ayay tidhi diirrimaadka dunida iyo maalgelin la'aanta beeraha iyo xoolaha.

Warbixin ay soo saartay ayay Oxfam ku sheegtay in tirada dadka adduunka ku nool la filayo, in ay saddex dalool kor u kacdo oo ay gaadho sagaal bilyan sannadka 2050.

Haddii midhaha beeraha laga soo saaro ay sida hadda socota hoos u sii dhacaan, waxaa laga yaabaa in ay dadka ku filnaan waayaan.

Warbixintu waxay Hoggaamiyayaasha Adduunka ugu baaqeysaa in lacag ku bixiyaan Sanduuq Caalami ah oo wax looga qabto isbeddelka cimilada adduunka.

Warbixintu waxaa kale oo ay ku baaqday in isbeddel weyn lagu sameeyo cunto soo saarka oo awoodda loo kala qeybiyo sharikadaha waaweyn, beeraleyda yar yar iyo macaamisha.