Tirada Maalqabeennada Shiinaha Oo Markii Ugu Horreysay Taariikhda Ka Badatay Maalqabeenka Maraykanka

0
1098

Bern (Geeska)- Sahamin uu dhowaan sameeyey bangiga maalgashiga iyo adeegyada maaliyadeed ee Credit Swiss Group ayaa uu ku ogaaday in tirada dadka malqabeenka ah ee dalka Shiinuhu ay markii ugu horreysay taariikhda ka bateen tirada dadka Maraykan ee maalqabeenka ah.

Sahaminta uu sameeyey banigagan caalamiga ah ee xaruntiisu tahay dalka Sweden ayaa sida oo kale mujinaysa in si muuqata ay u sii kordhayso tirada maalqabeennada labada dal ee Shiinaha iyo Maraykanku.

Warbixin sannadeed uu bangigu ka soo saro maalqabeenka adduunka ayaa uu ku sheegay in lixdii bilood ee sannadkan ugu horreeyey ay maalqabeenka adduunku boqolkiiba 10, oo u dhigma 100 milyan oo ruux ka soo jeedaan dalka Shiinaha, halka 99 milyan oo Maraykan ahi ay liiskaas kaga jiraan.

Dr. Nannette Hechler-Fayd’herbe oo madax ka ah waaxda dhaqaalaha iyo cilmibaadhista ee bangiga Credit Suisse ayaa mar ay ka hadlaysay natiijada sahamintan cusub, waxa ay sheegtay in inkasta oo ay jiraan khilaaf iyo xiisado ganacsi oo u dhexeeya dalalka Maraykanka iyo Shiinaha, haddana in laba iyo tobankii bilood ee u dambeeyey ay labada dalba kaalin hormuud ah ku lahaayeen curashada maalqabeenka cusub ee adduunka ku soo kordhaya, iyada oo ay isku darka dhaqaalaha u kordhay maalqabeenka dalka Shiinaha uu gaadhayo 3.6 Tirilyan oo doolar, halka dalka Maraykankana ay maalqabeenkiisa u korodhay maaliyad dhan 1.9 Tirilyan oo doolar.

Warbixintu waxa ay sheegtay in tirada guud ee maalqabeenka adduunku ay shantii sano ee u dambeeyey korodhay boqolkiiba 27, taas oo haddii ay sidaas ku sii socota noqon doonta in sannadka 2024 ay u kordhi doonto lacag ka badan 459 tirilyan oo doolar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here