Koox Hubaysan Oo Jidgooyo U Gashay Baabuur Dawladu Leedahay Oo Marayay Borama Iyo Dila Dhexdooda

0
865

Boorame(Geeska)-Koox hubaysan ayaa Salaasadii dorraad jidgooyo u galay baabuur ay dawladu leedahay oo marayay inta u dhaxaysa Borama iyo Dila, waxaanay ku fureen baabuurka rasaas tiro badan.

Abaanduulaha ciidamada qaranka gaashaanle sare Cabdirisaaq Sicid Bulaale ayaa arrintan u tagay Boorama waxaanu kulan la yeeshay gudida amaanka ee gobalka iyo qaar ka mid ah salaadiinta goblka Awdal.

Abaanduulaha ayaa sheegay in aan la eegan Karin xaalada amaan ee gobalka Awdal, waxaanu yidhi  “Waxaan u imid kormeerkaygi ciidanka  ee caadiga ahaa iyo arinta nabadgalyada oo kow ka ah ee gobalka baryahanba lagu sheegayay ee gobalka shalayna dhacdadu ka dhacday foosha xun ee wadada la galay laguna rasaaseeyay baabur dawladeed, waxaanu kulan la yeelanay dhamaan gudidii nabadgalyada, waxa kale oo aan la kulanay odayaashii dhaqanka oo suldaanku hoggaaminaayo,ka hordhici maayo wada hadal iyo rajo fiican yaanu qabnaa nabadgalyana waanu jecelnahay in lagu soo afjaro arin la sii eegan karana maaha,kana hor dhici maayo oo odayaashiina si weyn ayaan u balanay, raga meesha wada joogaana waanu wada garanaynaa.”

Muddooyinkii u dambeeyay waxa la hadal hayay oo ay xataa qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobalka Awdal warbaahinta kaga hadleen jabhad la sheegay inay ka samaysantahay deegaanka Dila ee gobalka Awdal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here