Trump Oo Ka Xun Lacagta ku Seegta Diidmada Lagu Hor Istaagay In Beertiisa Uu Ka Kireeyo Shir Madaxeedka G7

0
775

Washington (Geeska)- Madaxweynaha dalka Maraykanka ayaa ay qasab ku noqotay in uu ka noqdo go’aan uu hore ugu gaadhay in uu shir madaxeedka toddobada dal ee dhaqaalaha ku horumaray, ku qabto beer lagu nasto oo uu ku leeyahay dalka Maraykanka. Trump ayaa go’aankan ka noqday kaddib markii ay dhaleecayn xooggani uga timid warbaahinta iyo siyaasiyiin kala duwan oo ku dhaliilay in uu shirka dalalka G7 ee uu Maraykanku sannadkan martigelinayo, si gaar ah ugu qabanayo beertiisa gaarka ah, isaga oo dawladdana ka qaadanaya lacagta kirada ah ee ay ahayd in la siiyo goobaha madaxdan la dejiyo, iyo madasha uu shirku ka dhacayo.

Laakiin madaxweyne Trump waxa uu qarsan kari waayey dareenkiisa ka xumaanshiyaha ah ee arrintan la xidhiidha, isaga oo ku calaacalay in kursiga madaxtinimada ee dalka Maraykanka uu ku waayey lacag u dhexeysa saddex illaa shan Bilyan oo doolar, oo uu faa’iidi lahaa haddii uu shaqadiisii ganacsi iska sii wato, oo aanu dunida siyaasadda isku qaadi lahayn.

Trump oo badheedhihiisa warbaahinta u caddaynaya ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in lagu qasbo inuu ka noqdo go’aanka gaarka u ahaa ee uu doonayey in uu bisha Juun 2020 ka beeertiisa raaxada ee lagu magacaabo ‘Trump National Doral Golf’ ku qabto shir madaxeedka dalalka G7 ee dalka Maraykanka lagu qabanayo waqtigaas.

Xisbiga mucaaradka ah ee Dimuqraadiga iyo Xisbiga Trump ayaa si isku mid ah cadho uga muujiyey go’aankaas Trump iyaga oo ku dhaliilay in arrintaasi ay u muuqanayso in madaxweynuhu uu ganacsigiisa faa’iido uga helayo xilka uu hayo awgeed.

Trump ayaa intii uu xilka hayey waxa uu si joogto ah u dhaliilaa qodob ku jira dastuurka dalka Maraykanka oo madaxweynaha iyo xildhibaannada baarlamaanka ka mamnuucaya in ay helaan faa’iido sababteedu xidhiidh la yeelan karto mansabka ay hayaan. Dadka dhaliila madaxweyne Trump na waxa ay marar kala duwan ku eedeeyaan in uu qodobkaas jebiyo.

Trump oo ka mid ah maalqabeennada waaweyn ee adduunku waxa uu leeyahay huteello iyo beero lagu raaxaysto oo ku yaalla daafaha dunida oo dhan, intii aanu xilka madaxweynaha qabanna shirkadahaas ayaa uu isagu maamuli jiray, laakiin markii aqalka cad loo doortay ayaa si uu isaga ilaaliyo in ay danuhu is jiidhaan waxa uu xilkii maamulka ganacsigiisa ku wareejiyey carruurtiisa.

Trump calacalkan kaddib waxa uu nafta ku samirsiiyey in xaddi kasta oo ay leegtahay lacagta uu khasaaray, in aanay muhiim ahayn, calool xumana ku haynin, maadaama oo sababta uu u khasaarayaa ay tahay dalkiisa iyo dadkiisa awgood, sida uu hadalka u dhigay.

Trump waxa uu sheegay in hadda uu raadinayo meel kale oo shirkaas lagu qabto, laakiin waxa uu ku faanay in aanu aaminsanayn in la heli karo meel heerkaas beertiisa oo kale ah.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here