Timo Tidicista Haweenku Waa Dhaqan Soo Jiray Kumannaan Sano, Addoontii Afrikaanka Ee Caddaanku Gumaysan Jirayna Calaamad U Ahaa

0
949

1London (Geeska)- Timaha oo la tidcaa waxa ay ka mid tahay dhaqannada timo dabasho ee dunida ugu faca weyn, isla markaana dhaqannada iyo diimaha kala duwani ka siman yihiin oo aan dal gaara lagu sunti karin. Qaabkan timaha loo sooho oo tiro badnida dadka xiiseeya iyo muddada 28 kun ee sano ah ee uu soo jiray awgeed, la’aaminsan yahay in aanu ahayn dhaqan dunida ka tegeya, ayaa aan loo isticmaalin timo qurxin keliya, balse gaadhay heer kala sheegasho oo bulshooyin badan oo dunida ku dhaqan qolo kastaa iyagu isa siiso, una arkaan uu isirkooda ama abtirsiintooda calaamad soo jireen ah u yahay.

Xilligii gumaystaha cadi adduunyada ku faafay, ka ganacsiga addoontuna aad u sarreeyey, ayaa ganacsatadii dadka addoonta ah iibsan jiray ay caado u lahaayeen in ay ruuxa addoon ahaan ay uga ganacsanayaan, gaar ahaan kuwa Afrikaanka oo ugu badnaa ay timaha ka dhukuraan, sababo caafimaad awgeed, laakiin waxa ay arrintani aad uga cadhaysiin jirtay dadka addoon ahaanta loo soo qabto. Dadkii addoonta ahaa oo aanay ka madhnayn cuqdadda timahooda xorriyad la’aanta lagaga xiiri jiray ayaa si yaab leh oo ay ka siman yihiin u qaatay dhaqanka ah in ay timaha dabtaan, iyaga oo rag iyo dumarba tidci jiray, sida illaa hadda madowga dalka Maraykaka ka raadkeedu ka sii muuqdo. Arrintan oo sii xoogaysatay markii dambe ee dadkii addoonta ku shaqaysan jiray ay bilaabeen in ay dadkan addoomaha u ah ee beeeraha u qoda ku amraan in ay qurxiyaan muuqaalkooda guud iyo hu’gooda, oo ay dadkii addoonta ahaa sii wadeen timo dabashadii oo noqotay dhaqan caadi ah.

Addoonta ayaa timo tidcasha oo ah qaabka hadhuudka sida sawirkaba ka muuqata waxa ay u arkayeen in ay tahay hab ay dadka kale isaga sooci karaan, in kasta oo bilowgii loo fahmay dhaqan Afrikaan ama calaamad addoonta lagu garto haddana ugu dambayntii waxa uu noqday dhaqan si aad ah u sii faafay oo markii dambe noqday caalami aan lahayn bulsho ama dabaqad bulsho oo u gaar ah.

Halka uu ku sal leeyahay timo tidicu:

Inta taariikhda la og yahay dadka ku dhaqanaan jiray dhulka Holland ayaa ahaa kuwii dunida ugu horreeyey ee caadada u lahaa in ay timaha sidan u dabtaan, waana sababta bilowgii hore loo odhan jiray, ‘Timo tidcista Holland’

Warbixintan uu Geeska Afrika soo koobay ayaa ay majaladda Arthurs Home Magazine ee dalka Maraykan ka soo baxdaa ku sheegtay in ujeedada timaha loo la’ bixi jiray waqtiyadaasi aanay ahayn qurux sida dunidan casriga ah, balse marka laga tago astaantaa ay u ahaayeen dadka Afrikaanka addoonta ah ee beeraha qoda, waxaa iyaduna jirtay aragti iyo aaminsanaan dhinaca caqiidada la xidhiidha. Dad badan ayaa aaminsanaan jiray in timaha oo la gaabiyaaay rajo baas ku tahay cimrigooda, xitaa haddii ay rag ama caarruur yihiin.  Dhaqannada xilliyadaas jiray ee timo dhaqashada la xidhiidhay waxa kale oo ka mid ahaa kuwo aaminsan in qofku uu timaha iska xiiro oo keliya marka qof qoyskiisa ka mid ama uu si gaar ah u jecel yahay uu geeriyoodo.

Qarniyadii dhexe:

Qarniyadii dhexe markii la soo gaadhay, timaha oo la dabtaa waxa ay noqotay calaamad ixtiraam, isku kalsoonaan iyo ilbaxnimo dhinacaq qoyska ah, oo inta badan qoysaska ladan ama madaxda ah ayaa ay hablahoodu qaabkan timaha u daban jireen. Waayo dumarka qoysaskan ka dhashay waxaa laga ilaalin jiray in timuhu ay wejiga ku soo deysmaan, si aan loo moodin dumarka wax sixra oo timaha sii deysani ahayd calaamad waqtigaas lagu yaqaannay.

Xilliyadaas waxaa reer Yurub dhaqan u ahaa in aan la maydhan ama muddo dheer laga maqnaado maydhashada, sidaa awgeed Casrigii dhexe markii la soo gaadhay ee dadkii xarragada barteen waxaa qasab noqday in timaha ay dabaan oo weliba ay dabniin sida taashka madaxa dushiisa ku urursan ka dhigaan, taas oo ahayd hab lagu qarinayo wasakhda.

Timo tidcashada iyo dhaqanka guurka ee qabiilooyinka Namibia

Tidcashada timaha nooc ka mid ah, oo ah in marka hore gabadhu timaheeda u tidicdo laymam yaryar oo badan, laftana ku dhegsan, kadib marka ay timuhu lafta madaxa dhaafaan ay tidicyadii qudhoodii isugu keento afar tidic oo waawey oo isku soohan, waxa ay ka mid tahay dhaqannada lagu yaqaanno qabiilooyinka asal ahaan dulka Namibia. Waxa ay inantnu qaabkan u dabataa marka ay gaadho da’da 16 jirka, taas oo ah calaamad muujinaysa in ay da’dii guurka gaadhay oo diyaar ay u tahay.

Dhaqanka:

Dadkii asalka ahaan iskalahaa dhulka Holland ayaa dhaqan u lahaa in timaha ay dabaan, laakiin qaabka loodabayaawaa uu kala duwanaa oo tusaale ahaan dumarka xaaska ahi si caadiya ayaa ay u daban jireen, halka hablaha gashaantimaha ahi ay u daban jireen qaabka tidica, oo weliba inta badan ahaa in soohid (Tidic) keliya oo buuran timaha la sugu keeno.