Qisas Iyo Dhacdooyin Xiise Leh Oo La Xidhiidha Dhaarinta Madaxweyneyaasha Maraykanka Kamaal A. Cali…. Qaybta 4aad

0
589

Waxaa ka sii yaab badan in ay dhici karto in murshaxa madaxweyne iyo murshaxa madaxweyne ku xigeen ay laba xisbi kala noqdaan in kasta oo aanay dhicin, haddana sharciga iyo nidaamkan dejisan ayaa xaaladdan oo kale aan diidayn.

Taariikhda iyo muddo xileedka

Tan iyo sannadkii 1845kii, dalka Maraykanka waxaa lagaga dhaqmayey xeer doorasho oo dhigaya in muddada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisu xilka haynayaan ay tahay Afar sano, laakiin ay xaq u leeyihiin in ay mar labaad isa sharraxaan, ama midkood uu mid kale oo cusub isla sharraxo, waxa se mamnuuc ah in Siddeed sano wax ka badan uu xilka hayo, oo noqonaysa in uu laba xilli-xileed uun talada hayn karo.

Doorashadu waxa ay dhacdaa bisha Kow iyo Tobnaad (Noofambar) oo afartii sano ba mar ah, maalinta sharcigu dhigayo in ay dhacdaana waa salaasada ugu horreysa ee ku xigta Isniinta ugu horreysa bisha Noofambar, haddii aynu si kale u dhigno, waa Salaasada ugu horreysa bisha Noofambar ee laakiin ka dambaysa bisha Kowdeeda. Oo macnuhu yahay in bisha Noofambar kowdeeda aan doorashada la qaban karin xitaa haddii ay Salaasa noqoto, balse salaasada kale ee u soo horreysa uun la qabanayo. Sidaa awgeed doorashadu kama horreyn karto 2da Noofambar, kamana dambayn karto 8da Noofambar.

Caleemo saarka madaxweynaha Maraykan:

Caleemo saarka madaxweynaha Maraykanku waa munaasabad dastuuri ah oo sharcigu dhigayo in lagu calaamadiyo bilowga afarta sano ee muddo-xileedka uu madaxweynuhu talada haynayo. Waa xaflad si aad u heersarraysa loo agaasimay oo afartii sano mar dhacda, xitaa haddii isla madaxweynaha afarta hore dhammaystay mar labaad xilka loo soo doorto.

Tan iyo sannadkii 1937kii maalinta caleemo-saarka madaxweynuhu waxa ay ahayd maalin go’an oo aan hore iyo dib midna loo dhaqaajin karin oo ah 20ka Bisha Koowaad, saacadda uu xilliga xileed ee madaxweynuhu si rasmi ah u bilaabanaysaana waa 12 ka duhurnimo ee goor-sheegta loo yaqaanno Eastern Time oo ah waqtiga 17 goballada Maraykan ka mid ah oo Dhanka bariga xiga, qaybo ka mid ah bariga dalka Kanada, gobal ka mid ah Mexico, qaybo ka mid ah dalka Panama iyo qaybo ka mid ah badhtamaha Qaaradda Ameerika iyo jasiiradaha Caribbean ka. Sida caadiga ahna waxaa madaxweynaha dhaariya madaxa caddaaladda oo u dhigma guddoomiyaha maxkamadda sare.

Waxaa la is weydiin karaa, sida la yeelayo haddii ay dhacdo in maalintan sharcigu u calaamiyadiyey dhaarinta madaxweynuhu ay ku soo beeganto maalin fasax ah, waayo sharciga shaqaalaha ee dalka Maraykan meel adag ayaa uu ka taagan yahay dhowrista fasaxyada. Haddaba si la isu waafajiyo in aan lagu xad gudbin labada sharci midna, haddii maalintan u cayiman munaasabadda dhaarinta madaxweynuhu ay ku beeganto maalin fasax ah, sida Axadda, waxaa maalintaas shaqo dheeraad ah oo laga maarmi waayey qabta guddoomiyaha maxkamadda sare, isaga ayaa si gaar ah u dhaariya madaxweynaha, si sharciga loo dhaqan geliyo oo maalintaasi ay kow u noqoto xil qabashadiisa. Kadib maalinta labaad ee ku xigta maalintan fasaxa ahayd ayaa la qabtaa munaasabaddii weynayd ee caleemo saarka madaxweynaha ee martida badani ka soo qaybgalaysay, waxaa xiise leh si munaasabaddan caleemo-saarka ah meeqaamkeeda loo dhammaystiro dadkana macno ugu yeelato in mar labaad uu guddoomiyaha maxkamadda sare dhaarinayo madaxweynaha oo shalay la dhaariyey, tirsiga muddo xileedkiisuna shalay bilowday oo durba maalintii labaad dalka ka madaxweyne ah.

Dhaarta labaad ee 21ka Jeenaweri dhacaysaa qiimaha keliya ee ay leedahay waa qurxin iyo in munaasabadda loo ekeysiiyo mid xaqiiq ah oo aanu hoos u dhicin xiisihii martida iyo madaxweynaha la doortayba u qabeen maalintan oo kale. Waxaa iyaduna xusid mudan in maalinta dhaarinta madaxweynuhu ay tahay maalin shaqo oo caadi ah marka laga reebo golaha golayaasha sharci dejinta ee munaasabadda maamulaya, iyo shaqooyinka xaruntoodu tahay magaalada Washington ee caasimadda dalka ah iyo degmooyin ka mid ah goballada Maryland iyo Virginia oo xuduudka ku yaalla.

Obama xilligiisii waxa uu beddelay maalintii caleemo-saarka

Madaxweyne Barak Xuseen Obama oo talada dalka Maraykanka hayey Siddeedii sano ee u dambeeyey ayaa isagu xilligiisii labaad si badheedh munaasabadda caleemo-saarkiisa ugu beegay maalin fasax qaran dalka Maraykan ku jiro oo shaqooyinku fasax yihiin. 20kii Bishii Koowaad ee sannadkii 2013ka oo ah maalintii uu madaxweyne Obama u dhaaran lahaa afarta sano ee xilli-xileedkiisa labaad, ayaa waxa ay ku beegantay maalin Axad ah oo dalku fasax ku jiro, taas oo sidii aynu hore u soo xusnay qasab ka dhigtay in si gaar ah uu guddoomiyaha maxkamadda sare u dhaariyo, kadibna xafladda caleemo-saarka lagu beego maalin aan fasax ahayn. Waxaa dhacday in maalintii labaad ee xafladda la qaban lahaana ay ku beegantay maalinta xuska hoggaamiyihii xuquuqda Madaniga ah ee dalka Maraykanka Martin Luther King, waa maalin laga qiimeeyo dalka Maraykanka oo shaqaalaha la fasaxo, laakiin Barak Obama oo ahaa madaxweynihii ugu horreeyey ee Maraykan-Afrikaan ah ee talada dalkaas qabta ayaa isagu taas diiday oo xafladdii caleemo-saarkiisa qabtay maalintii xuska Martin Luther King ee fasaxa ahayd isaga oo ka leh ujeedo la xidhiidha midabka iyo weliba xuquuqda madowga ee uu ninkani u doodayey.

Baahinta tooska ah ee xafladda caleemo-saarka

Muddooyinkii hore cidda la socon kari jirtay xafladaha caleemo saarka madaxweynaha Maraykan waxa ay ahaan jirtay cid timid goobta ay ka dhacayso oo keliya, La soco…………..