“Theresa May Waa Beenaley, Beenaley, Beenaley..” Ereyo Ka Mid Ah Hees Aad Loo Jeclaaday Oo Tirinaysa Ballanqaadyada Beenoobey Ee Raysalwasaaraha Ingiriiska

0
667

London (Geeska)- Heesta ‘Lair Lair’ oo raysalwasaaraha dalka Ingiriiska Theresa May lagu dhalleecaynayo ayaa ka mid noqotay heesaha dhegeysigooda loogu jecel yahay dalka Ingiriiska. ‘Lair Lair’ oo ah ereyo Ingiriisi ah macnahoodu yahay ‘Beenaaley, Beenaley’ ayaa u diyaarsan qaab xiise badan oo ah in hadalladii raysalwasaaraha iyo balanqaadyadeedii aan rumoobin mid mid loo so oqaato kadibna la dhex geliyo ereyada heesta ee muujinaya in ay been sheegtay.In kasta oo ay Idaacado badani diideen in ay heestan sii daayaan, haddana waxa ay noqotay heesta loogu dhegeysiga badnaa dalka Ingiriiska, ayaa waxaa ereyadeeda ka mid ah, “Waa beenaley, suurtogalna ma noqon karto in aad ku kalsoonaataan, Maya, Maya, Maya, Maya”

Kooxda heesta qaadaysa oo lagu magacaabo Kabtan SKA ayaa ku luuqaynaysa ballanqaadyada Theresa oo laxan loo sameeyey kadibna raacinaya ereyada beenteeda sheegaya, waxa aana la filayaa in heestani saamayn ku yeelato ol’olaha doorashada la qoondeeyey in ay dhacdo maanta oo ay bishu Siddeed tahay.

Heestan waxaa shanti maalmood ee u horreeyey soo bixisteeda shabakadda YouTube ka daawaday dad ka badan Hal Milyan oo ruux, waxa aana heesta la dejistay in ka badan 30 kun oo jeer. Hadallada Theresa May heestu ku beeninayso waxaa ka mid ahaa, hadallo ay hore u tidhi oo ay ka mid ahayd markii ay ballanqaadaysay in aanay doorasho waqtigeeda saxda ah ka soo horumarta dalban doonin, “Waxa aynu doonaynaa dal aan u shaqaynayn keliya danta xisbiga mxuaafadka” ayaa hadalladeeda hore ka mid ahaa. Laakiin ma’ay rumayn oo waa ta markii dambe ku dhawaaqday doorashooyinkan waqtigooda laga soo horumariyey. Hadalladaas oo marka ay soo muuqdaan ay kooxda fannaaniinta ahi ka daba odhanayaan.

Kooxda heesta qaadaysa ayaa boggooda Facebook ku soo qoray ereyo ay ka mid yihiin, “Guusha ay heestani gaadhay, waxa ay muujinaysaa illaa xadka ay dadku ka quusteen xukuumad dadka ladani hoggaamiyaan oo dadka ladan danahooda oo keliya ilaaliso”