Dhacdooyinka Ugu Muhiimsanaa Taariikhda Islaamka Ee Ku Beegnaa Laba Iyo Tobanka Bisha Soonka

0
1318

Hargeysa (Geeska)- Dhacdooyinka muhiimka ah ee sida taariikhda ku cad dhicistoodu ku beegantay bisha barakaysan ee Ramadaan, gaar ahaan maalinta ay bisha soon tahay 12, ayaa waxaa ka mid ah:

Dhacdooyinka taariikhiga ah ee lagu xasuusto maalinta kow iyo tobnaad ee bisha Ramadaan, waxaa ka mid ah;

– Sannadkii 13naad ee Hijriyada, intii aan la gaadhin bisha soonka waxaa muslimiinta la geliyey heegan guud, kadib markii lagu jebiyey dagaalkii Furus (Beershiya), dagaalkii la baxay Jusur (Biriish). Kadib waxaa is urursaday Afar kun oo muslimiin ahaa laga keenay dhammaan jihooyinka kala duwan ee jasiiradda Carbeed, waxa aana loo diray Faaris (Beershiya) si ay uga soo dagaalamaan.

Ciidanka muslimiinta waxaa hoggaaminayey Muthannaa Bin Xaaris, waxa uu ciidankiisii furay degaanka lagu magacaabo Buweybah, waxa aanu farriin u soo diray taliyeyaasha ciidamadii kale ee muslimiinta ahaa ee isla dagaalkan awgeed uga daba imanayey, si uu ugu wargeliyo in ay yimaaddaan isla deegaankan. Sidii ayaanay u dhacday oo ciidankii gurmadka ahaa ee Muslimiintuna waa uu ku soo biiray ciidamadii uu Xaaris watay, iyada oo tiradoodu isku dar noqotay 8 kun oo weliba Furaat daafihiisa deggen, halka dhinaca kale ee webigana ay soo degeen ciidamadii Furus oo tiradooda lagu qiyaasayey 60 illaa 70 kun oo askari.

Xaaris waxa uu dejiyey xeelad milateri oo u suurtogelisay in ciidankiisa tirada yar uu ku beego badhtanka ciidamada tirada badnaa si uu laba waaxood ugu kala jebiyo ciidanka Farus, nasiibwanaagna asxaabigii Jariira Bin Cabdallaah oo ka mid ahaa ciidankan ayaa ku guulaystay in uu dilo Mahraan oo ahaa taliyaha ciidaanka Faarisiyiinta, taas oo ciidankii ku keentay burbur iyo niyadjab horseeday in muslimiintu ay dagaalka ku guulaystaan.

Markii Faarisiyiintii laga gacan sarrreeyey waxa ay bilaabeen in ay ka fikiraan in ay baxsadaan, laakiin Muthannaa bin Xaaris oo fahmay ayaa biriishkii ay dul mari lahaayeen gooyey, sidaas ayaana ay go’doon ku noqdeen Faarsiyiintii, muslimiintuna guul aad u weyn ku gaadheen. Dagaalkaas waxaa Faarisiyiintal agaga dilay in ka badan 50 kun oo askar ah.

– Bisha Ramadaan 12-keeda, sannadkii 879 Miilaadiga, waxaa la dhamaystiray dhismaha masjidka Ibnu Dawluun ee magaalada Qaahira. Masaajidkan oo ah ka saddexaad ee ugu weyn Masar, waxa uu ahaa masaajidkii ugu horreeyey Masar ee lagu dhiso farsamo Injineernimo oo casriya, waxa aana yaab leh in Injineerka dhisayey masaajidkani uu ahaa Masaari Kiristaan ah.