Ciidamada Badda Ee NATO Oo Qabtay Somali Budhcad Badeed Ah

0
444

 

nwpiracy05Ciidamada NATO ee la dagaallama budhcad-badeedda ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ayaa wararku sheegayaan inay qabteen lix qof oo Soomaali ah oo looga shakisan yahay inay yihiin budhcad badeed.

 

Kooxdan Soomaalida ah ayaa la sheegay inay afduubeen dooni u socotay magaalada Boosaaso.

Abdirisaaq Maxamed Dirir oo ah madax hey'adda la dagaallanta budhcad-badeedda Puntland ayaa sheegay in xidhiidh ay la sameeyeen ciidamada ajanbiga, oo ay u sheegeen inay ay saaran yihiin mid ka mid ah maraakiibta NATO.

Weerarada budhcad-badeedda Soomaaliya ayaa hoos u dhac uu ku yimid bishii hore ee August.

Doonidaas oo Bosaso u siday sahayda ciidda ee bisha Ramadaan, ayaa la sheegay inay hadda soo gaadhay magaalada Boosaaso oo ay ku soo jeeday.

Budhcad badeeda ayaa u badan reer Puntland, waxaana doraad dalka Maraykanka lagu xukumay Maxamed Saalim Shibiin oo lagu xukumay xabsi daa’im ka dib markii lagu helay dambigii lagu soo oogay ee budhcad badeednimada.