Talooyin Qof Kasta Ka Caawinaya In Uu Ilaaliyo Caafimaad Qabka Wadnihiisa (Q: 2aad)

0
622

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii Labaad uguna dambaysay qormadii uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Yahoo Maktoob ee s soo bandhigaysay  nidaam nololeed uu qofku ku dhowri karo caafimaadka wadnihiisa.

6. Jooji sigaar cabbista: Sigaar cabbistu waxa ay ka mid tahay sababaha ugu waaweyn ee keena cudurrada ku dhaca wadnaha iyo xididdada dhiigga, oo gaadhsiisaan illaa heer cudurka qallajiya halbawlaha dhiigga ee Coronary Artery Disease (CAD) ama dhiig furanka maskaxda, waxaana ay u badan tahay in dadka sigaarka cabbaa ay wadne istaagga aad ugaga badan yihiin kuwa aan abid qiijin sigaar. Sababtuna waa maadadda Carbon Dioxide eek u jirta qiiqa sigaarka oo yaraysa xaddiga neefta Ogsajiinta ee dhiigga ku jirta, taas oo marka ay dhado keenaysa in wadnuhu si sahal ah hawshiisii u qabsan kari waayo, waxaa iyaduna sigaarka / Buuriga ku jirta maadadda Nicotine oo sababta in garaaca wadnuhu kor u kaco iyo in dhiigkar.

7. Firfircoonida ogow: Haddii aanad firfircoonayn, wadne xanuunka waa aad uga dhowdahay qofka kula mid ah ee firfircoon. Sidaa awgeed si aad u ilaaliso caafimaadka wadnahaaga waxaa kugu waajib ah in aad jimicsi samayso ugu yaraan toddobaadkii 150 daqiiqo, waxa aanad jimicsiga ka dhigi kartaa mid isugu jira jimicsi fudud iyo mid culus. In qofku uu si nidaamsan oo joogto ah jimicsi iyo xarakaad u sameeyaa waxa ay caawisaa in ay hoos u dhacdo khatarta ah in ay ku dhacaan guud ahaanba cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga haleela.

8. Miisaankaaga la soco: Miisaanka oo kordhaa waxa ay qofka ku keentaa khatarta ah in uu ku dhaco wadne xanuun, dhiig kar iyo duxda (Kalastaroolka) oo dhiigga ku bata, in miisaankaagu noqdo kii saxda kugu ahaa, waxa ay kugu abuuraysaa shucuur caafimaad qab iyo in aad yeelato tamar badan. Sidoo kale waxa ay kaa ilaalinaysaa in culays dheeraad ahi fuulo wadnaha, maadaama oo ay ka hortagayso in uu xaydhaysto.

9. Iska jir sakatiga iyo qulubka: Qulubka iyo diiqaddu waxa ay si toos ah u sababaan xanuunnada ku dhaca wadnaha iyo dhiigga, waxaa muhiim ah in qofku uu ku dadaalo in uu mar kasta is acsaabtiisa dejiyo, si uu uga fogaado qulubka, sakatiga, walaaca iyo diiqadda nafsiga ah oo dhan, waxa kale oo ay khubarada caafimaadku ku talinayaan in qofku uu ka dheeraado sigaar nuugista, isticmaalka maandooriyeyaasha kala duwan, caajiska iyo fadhiidnimada iyo habacsanaanta, waayo waxan oo dhami waxa ay sabab u noqon karaan in qofka ay ku dhacaan xanuunnada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Dhammaad.