Sababta Yaxaasku Marka Uu Seexanayo Il Keliya Isugu Qabto Kalana Ay U Furnaato Isaga Oo Hurda

0
546

Sydney (Geeska)- Cilmibaadhis cusub oo lagu sameeyey dalka Australia ayaa daahfurtay in Yaxaasku uu seexdo isaga oo il keliya isku haya ta kalana ay u furan tahay si ay ula socoto khatar kasta oo ku xeeran ama cadow kasta oo u soo dhuumanaya si uu dagni ugu qabto.

Cilmibaadhayaal ka tirsan jaamacadda La Trobe University ee magaalada Melbourne dalka Ustareeliya ayaa iyaga oo adeegsanaya kamarado laysar ah waxa ay daraaseeyeen hab-dhaqanka Yaxaaska ku nool biyaha milixda leh, waxaana soo baxday in Yaxaaskan oo ugaadhsi ku nooli uu adeegsado farsamo ah, “In il keliya uu isku qabto”

Cilmibaadhiso hore ayaa iyaguna caddeeyey in ay jiraan xayawaanno kale oo marka ay seexanayaan il keliya isku qabta, waxaana ka mid ah, Hoombarada badda, noocyo shimbiraha ka mid ah iyo Maroodi-badeedka, kuwaas oo dhammaantood xilliga hurdada ay seexato qayb uun maskaxdooda ka mid ahi, halka qaybta kalana uu ka soo jeedo, isha furanina la shaqaynayso qaybtaas maskaxda ee aan hurdin, iyada oo hareeraha iyo jiho kasta eegaysa si ay u hubiso in aanu cadow ku soo maqnayn.

Cilmibaadhayaashu  waxa ay halkaas kala soo baxeen in hurdada aadamaha ee ah in marka uu hurdo ay maskaxdiisa oo dhami seexato in ay tahay xaalad dhif ah oo aanay inta badan ee xayawaanku la wadaagin.