“Masalaha Ninkaan Ii Goglayn Midig Ma Saaraayo,Ninka Aniga Iga Maarmi Kara Uma Muraad Yeesho”

0
2186

Picture8Siyaasi Axmed Cali Muuse

Hargeysa(Geeska)-Siyaasi Axmed Cali Muuse oo ka mida Siyaasiyiinta Somaliland ayaa waxa uu ka hadlay loolanka ka dhex Jira Xisbiga KULMIYE. Isla markaana waxa uu ku taliyay dawada KULMIYE inay tahay in la doorto Axmed Cabdi Kijaandhe.

Sidaa waxa uu Siyaasi Axmed Cali Muuse Ku sheegay mar u waramayay Shabakada Wararka ee Hayaannews.

Siyaasi Axmed Cali Muuse oo ka hadlaya tartanka Xisbiga KULMIYE ka dhex aloosan, iyo waxay dawadu ku jirto, waxaanu yidhi “Tartanka iyo loolanka ka jira Xisbiga KULMIYE dhexdiisu, waxa uu xalkiisu noqonayaa in laga shidaal-qaato Sooyaalkii Taariikhda Siyaasada Somaliland ee aynu soo martay. Taasina waxay noqonaysa in kaltan Siyaasadeed oo hogaan dalku uu jiro, Oo haddii aynu is yara dul-taagno dhaqanka lagu fuulo Kursiga Madaxweynanimada Somaliland waxa weeyaan Beesha maalintaas doonaysa inay Kursiga Fuushaa inay Beelaha kale u tagto oo ay soo weydiisato in Kursiga la saaro,”

“Hadaba, Beesha ARAB waxa uu yimi beelaha kale oo wax yar mooyaane inta kale aan hore u soo dooranay, marka laga soo bilaabo sanadkii 1993-kii ilaa maanta, oo waxaynu isku nahay dal iyo dad-qudha oo kaliya. Hadaynu ku noqono Shirkii Boorame ee 1993-kii Muuse Biixi Cabdi iyo Reerkooda waxaynu la dooranay adeerkii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal.Maalintaasi waa maalintoodii,”Ayuu yidhi Axmed Cali Muuse.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“Hadaba, maanta Maaha maalintii uu Muuse Biixi uu la iman lahaa inuu Kursiga Madaxweynanimada hungureeyaan. Sidaa daradeed waxaan ku leeyahay Muusoow maalintaadii waad qabtaa ee maanta annaga oo ah ARAB ayaa la dooranayaa, waxaana dhigaya diwaanka Siyaasada Somaliland.”

“Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) iyo beeshiisa HABAR-JECLO waxaan Xasuusinayaa  waxa la yidhi “Mayd waxa u danbeeyey kaa la sii sido” doorasho waxa u danbeysay tii aanu ku dooranay 27-Juune 2010-kii. Sidii caadada u ahayd Xisbiga KULMIYE ee aan tartan gudihiisa ka dhicin, sida Markii uu aad doonaysay Guddoomiyaha Xisbiga iyo Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE sidii lagu doortay ee bilaa tartanka ahayd ayaanu ugu sharaxanahay murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga KULMIYE dhexiisa. Tusaale ahaan Xilka Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi lagulama tartamin ee waa loo daayay. Doorasho taa ka duwan oo KULMIYE ka dhex dhacdayna ma jirto. Annaguna ARAB haddii aanu nahay taas ayaan wax ku doonaynaa. Waxaana la yidhi: Ragg wixii uu is mariyaa waa Xeer,”Ayuu yidhi Muuse Biixi

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi“ Waxaan idiin soo jeedinayaa inaydaan Xeerkaas ilaabin,una sharaxanahay Kursiga Madaxweynanimada Xisbiga KULMIYE Xeerkeenuna uu na siinayo, waxaanu idinka fadhinaa inaad nagu dhistaan.

Waxaan ku soo gebogabeynayaa Qoraalkaygan tuduc ka mida Gabaygii Alle ha u naxariiste Saahid Qamaan uu tiriyay:

Ragna waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi

Mase inaanu nahay ooy tolnimo meerto noo tahaye

Oon waliba kaga miilcadahay miidhse diidaniye

Masalaha ninkaan ii goglayn midig ma saaraayo

Ninka aniga iga maarmi kara uma muraad yeesho

Saddex magac Alle xaajadaa layma marinsiiyo”