Sucuudiga Oo Caddeeyey In Hal Maxjar Oo Berbera Ku Yaalla Oo Keliya Uu Ka Qaadanayo Xoolaha Soomaalida

0
521

Picture5Riyaad (Geeska)- Wasaaradda Beeraha ee boqortooyada Sucuudiga ayaa shaaca ka qaadday in dalku uu si ku-meel-gaadh ah muddo lix bilood ah ugu tirsanaan doono xoolaha nool ee uga soo dhoofaya dekedda Berbera lana soo mariyo Maxjarka xoolaha ee Al-Mutaxid ee magaalada Berbera oo keliya.

Warkan ka soo baxay wasaaradda Beeraha iyo xoolaha nool ee Sucuudiga oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka wararka ee Al-Iqtisaadiya ayaa lagu sheegay in laga soo bilaabo Kowdii bishan Shacbaan ee aynu ku jirno oo ku beegnayd, 19kii May 2015ka, uu Sucuudigu qaadanayo oo keliya xoolaha maxjarkan lagu magacaabo Al-Mutaxid soo mara, iyada oo sida ay wasaaraddu sheegtay goaanka qaadatay kadb markii ay aqbashay dalab ay masuuliyiinta Soomaaliya kaga codsadeen in xoolaha Soomaaliya looga soo dhoofinayo ay ka qaataan Maxjarkaas oo keliya, sidoo kale waxa ay wasaaradda beeraha ee Sucuudigu sheegtay in dalabkaas Soomaaliya ka sokow uu Sucuudiguna iska hubiyey in uu maxjarkani fuliyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa maxjarrada xoolaha ee uu Sucuudigu aqbali karo in xoolaha soo mara ay qaataan, isla markaana uu Sucuudigu arkay warbixin ay haayadda caalamiga ah ee caafimaadka xooluhu (OIE) ay ku caddaynayso in maxjarkani uu buuxiyey shuruudihii looga baahnaa oodhan. Ibraahiim Bin Cabdillaahi A-Raashid oo ah ku-xigeenka agaasimaha guud ee Waaxda Karantiinka Xoolaha iyo dhirta ee wasaaradda Beeraha Sucuudiga, ayaa isna wargeyska Al-Iqtisaadiyah oo ka soo baxa dalka Sucuudiga u caddeeyey in sababta ay wasaaradiisu muddada lixda bilood ee keliya ah ugu xaddiday xoolo ka qaadashada Maxjarka Al-Mutaxid ee Berbera ay tahay si uu Sucuudigu isaga hubiyo shaqada maxjarka iyo xoolaha soo maraya, iyo sidoo kale in uu fuliyo dhammaan shuruudaha iyo tallaabooyinka caafimaad ee looga baahan yahay in uu mariyo xoolaha soo mara, lana hubiyo caafimaad qabkooda.

Maxjarkan ayaa uu wargeyska Al-Iqtisaadiyah sheegay in uu leeyahay nidaam isu dhamaystiran oo ah, qaybtii looga baahnaa maxjarka inta aanay xooluhu gelin in lagu hayo, qaybtii maxjarka ee bilowga ahayd, qaybtii qaabilaadda xoolaha, qaybtii dhamaytirka ee gebo-gebada ahayd iyo qayb xoolaha loogu samaynayo shaybaadhka kama dambaysta ah ee ka horreeya rarka.