Tallooyin Hor Leh Oo Ku Socda Madaxweyne Siilaanyo

0
688

 

Qalinkii: Eng Bashe Cabdi Gaboobe

New Picture (1)Qaybtii hore ee qoraalka waxaan ku xusey  wax qabadkii xukumadda madaxwayne Axmed Siilaanyo in loo bahanyahay inuu magacaabo guddi madax bannaan oo qorsheysa xoojinta wax soo saarka iyo mashaariic hormarineed si loo kobciyo dhaqaalaha dalka, looguna abuuro shaqooyiin kumanaanka dhalinyaro ee sannad walba ka qalin jabiya jaamicaddaha dalka iyo kuwa aan awoodda u helin inay jaamacadaha galaan kuna soo biiraan suuqyada shaqada, waana khatarta ugu weyn ee Somaliland ku soo fool leh haddii dhaqso wax looga qaban waayo  iyadoo laga faa’iidaysanaya khayraadka dalka sida xoolaha, kalluunka, milixda, sibidhka, macdanaha, beeyada,  beeraha, biyaha iyo wixii la mida.

 

 

Qaybta labaad

Aqlabiyadda intaa leeg ee ah 266906 cod ee ahaa dadki ‘ u codeyey[ 49.59% dadkii codeeyey oodhan]xukumadda kulmiye ee Madaxwayne Axmed Maxamed Siilaanyo umay dooran inuu wax qbadkeedu dhaamo wax qabad la’aanta sideedii sannadood ee Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin ee waxa ay uga fadhidaa wax qabad balaadhan oo u qalma naf iyo maal hurudii, tacabkii, dedaalkii, soo jeedkii habeen iyo dharaar iyo rajadii ay codkooda intaas leeg u siiyeen.

Haddii aan wax yar dib idiin xasuusiyo doorashadii madaxtooyada ee 26 June 210 dalka ka dhacday ee uu ku guulaystay Madaxweyne Axmed Siilaanyo aqlabiayd ah 49.33% codadkii dalka ka codeeyay oo dhan, waxay rogaal celin u ahayd doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacay 14 April 2003 ee uu Madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin kaga guulaystay Axmed Siilaanyo 80 cod oo qudha.

Su’aashu waxey tahey maxa dadka ku kalifey iney sameeyaan isbedel dalka ka dhacay oo intaas leeg  [180 degrees turn] doorashadi 2010?.

Haddii aynu dib u jaleecno sooyaalka doorashadii madaxtooyada ee 2003, Madaxweyne Rayaale waxa ugu mihiimsan ee lagu doortay waxay ahaayeen saddex qodob oo uu kaga duwanaa labada murashax ee kale ee Axmed iyo Faysal, waxaanay ahaayeen sidan:

1-waa nin dhalinyara  oo ka da’ yar labada murashax oo la islahaa wuxuu la iman doonaa dardar cusub iyo aragti cusub   [new blood new vision] waxaanu dalka u horseedi doona, horumar iyo ictiraaf.

2-waa nin ka soo jeeda beelaha darafyada kuwaas oo aan hore u qaban hoggaanka madaxtinimada Somaliland. Dadka doortayna aqlabiyadoodu waxay ahaayeen beelaha dhexe (Gobalka Awdal waxa ka doortay 48 kun oo cod, halka beelaha dhexe uu ka helay boqol iyo lixdan kun), Sool iyo Sanaag iyaga lagama codayn.

3-Waa nin ay xaaskiisa iyo carruutisu joogan gudaha wadanka Somaliland oo dhib iyo dheefba la qaybsan kara muwaadiniinrta Somaliland wax kasta oo Eebe idmo.

Haddaba markeynu dib  u’ eegno saddexdaas qodob side ayay u saameeyeen xukuumadii Daahir Rayaale Kaahin.

Qadobka dhalinyaranimada, aragti cusubna ma keenin , dardarna lama iman horumar iyo ictiraafna hadalkooda daa .sideedaas sannadood ee uu Madaxweynaha ahaa wax qabadka loo tiriyaa waa afar doorasho, Lascanod oo uu Puntland ka xoreeyay iyo sida fiican ee milgaha iyo karaamada leh ee uu u wareejiyay xilkii Madaxweyne markii doorashadii 26 June, 2010 dhacday laga helay.

Sannadkii ugu horeeyay xukunkiisa ayuu carrurtiisa dibadda u wada saaray [Qaahira iyo Ingiriis, markii dambena Dubai, aakhirkiina Faransiiska oo ay hadda joogaan] taas oo mar walba saxaafadda Somaliland soo tabinaysay fadeexado hanta lunsi xad dhaaf ah iyo guryo uu dibadaha ka iibsaday isaga iyo wasiiradiisa qaarkood.

Gudaha dalkana waxa ka dhacay booba yaa wadani oo cid walbana way ka dheregsantahay sidii laga yeelay hantidii ma gurtada ahayd ee guryihii dawladda iyo dhulkii danta guud. Wuxuuna Madaxweyne Rayaale wareejiyay khasnadii dawladda oo ay 19 milyan ka maqantahay (ama dayn dawladda lagu leeyahay.) Waxa intaas dheeraa cabudhinta saxaafadda iyo xadhigii saxafiyiinta Haatuf, xadhigii siyaasiyiinta qaran iyo xidhitaankii xarunta golaha wakiilada. La soco.