Bulshada Oo Su’aalo Badan Iska Weydiisay Madaxdhaqameedka Reer Muqdisho Ee Borama Safarka Ku Tagay

1
1947

 

Hargeysa(Geeska)-Bulshada ayaa su’aalo badan iska weydiisay koox madaxdhaqameedka reer Muqdisho ka tirsan oo toddobaadkan magaalada Borama u tagay wax lagu sheegay wada tashi ku saabsan sidii ay Somaliland u gaadhay horumarka iyo dimuqraadiyadda.

Madaxdhaqameedkaas oo ka soo degay magaalada Hargeysa ayaa si toos ah u tagay magaalada Borama iyadoo ay Hargeysa ka raaceen odayaal dhaqameed u gelbiyay dhinaca Borama, waxaanay halkaas kulamo kula yeesheen madaxdhaqameedka reer Awdal.

Kulankaas ayaa la sheegay inuu ahaa mid wada tashi ah oo ku saabsan inay madaxdhaqameedka reer Muqdisho helaan sida ay madaxdhaqameedka reer Somaliland uga qayb qaateen xoojinta nabadgelyada iyo isu soo dhawaynta beelaha.

Laakiin su’aalo badan ayaa ka dhashay safarka madaxdhaqameedka reer Muqdisho ee la sheegay inay labaatan sannadood ka dib raadinayeen tallo ku saabsan sida ay Somaliland u dhisantay. Su’aalahaas waxa ka mid ah wada tashiga maalinta keliya qaatay. Dad badan ayaa ku doodaya in socdaalka madaxdhaqameedku intaas ka sal balaadhnaa.

Xukuumadda Somaliland ayaa u muuqata inaanay waxba kala socon socdaalka odayaal dhaqameedkaas. Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe oo uu Wargeyska Geeska Afrikaxalay wax ka weydiiyay xogta ay xukuumadu ka hayso safarka madaxdhaqameedka, ayaa ku gaabsaday inaanu hayn wakhti uu kaga jawaabo su’aasha. Agaasimaha arrimaha gudaha Cabdillaahi Balaaki oo isna uu Wargeysku wax ka weydiiyay arrintan ayaa sheegay inuu safar ugu maqnaa dalka dibadiisa.

Waxaana halkaas ka cad inaanay xukuumadu wax war ah u hayn weftigaas. Laakiin Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka reer Awdal ee weftigaas la kulmay ayaa sheegay inay weftigaasi dalka u yimaadeen sidii ay u urursan lahaayeen tallo ku saabsan sida ay Somaliland wax u dhisatay.

Hase yeeshe dad kale ayaa qaba in socdaalka madaxdhaqameedka Muqdisho salka ku hayo safar uu toddobaad ka hor Muqdisho ku tagay Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo ah siyaasi u dhashay Somaliland balse ka soo horjeeda aayo ka tashiga shacabka.

Cabdi Samatar ayaa safarkiisaas Muqdisho wuxuu taageero ugu raadiyay xisbi siyaasadeed ay isaga iyo koox kale qurbaha kaga dhawaaqeen oo lagu magacaabo Hiil qaran.

Si kastaba ha ahaate su’aalo ayaa ka dhashay safarka madaxdhaqameedkaas, waxase bulshada yaab ku ah war la’aanta xukuumadda ee arrimaha noocan ah oo kale.

Comments are closed.