Talefannada Gacanta Oo Leh Shaashad Iyada Oo Aan La Taaban Marka Gacanta Lagu Dhoweeyo Shaqaynaysa

0
577

Berlin (Geeska)- Xeeldheerayaal ka tirsan maxadka Max Planck iyo jaamacadda Ludwig Maximilian ee dalka Jarmalka ayaa soo saaray shaashad talefannada gacanta ee casriga ah oo shaqaynaysa marka uu qofku gacanta ku dhoweeyo iyada oo aan u baahnayn in uu taabto. Farsamadan oo la filayo in ay caawiso in shaashaddu ay ahaato nadiif isla markaana jeermis aan gudbin maadaama oo aan la taabanayn.

Muraayaddani waxa ay leedahay farsamo dareemaysa qoyaan dabiici ah oo inta badan faruhu leeyihiin laakiin aanu aadamuhu dareemin, qoyaankaas aan la dareemi karin ee farta ayaa ay shaashaddu u beddelaysaa awood koronto oo amarrada gaadhsiisa talefanka.

Farsamadan ayaa lagu wadaa in ay mustaqbalka dhow noqon doonto ta ay ku shaqeeyaan muraayadaha talefannada gacanta ee casriga ah, kombiyuutarrada iyo aaladaha kale ee la mid ah, gaar ahaan marka ay yihiin kuwo meel dadka ka wada dhaxaysa lagu isticmaalo sida bangiyada, shaaracyada iyo cisbitaallada, si looga hortago in ay noqdaan aalad cudur soo qaadda. Qalabkan oo weli ku jira tijaabo, ayaa farsamoyaqaannada hal-abuuray ay weli xal u raadinayaan waxa laga yeelayo isticmaalka shaashaddan marka uu qofku gacanta ku xidhan yahay galoofyo iyo wax yaabaha la mid ah.