Toyota Oo Soo Saartay Baabuur U Gaar Ah Dadka Aan Weli Guursan Iyo Kuwa Xaaska Hore Soo Maray

0
665

Picture9Tokyo (Geeska)- Shirkadda samaynta baabuurta ee Toyota ayaa carwo labadii sanaba mar lagu qabto magaalada Tokyo ee dalka Japan waxa ay sannadkan soo ku soo bandhigtay baabuur ay u bixisay Kiakai oo u eeg buudhi yar oo xasharaad yari jiidayo, kuna filan saddex qof oo keliya. Gaadhigan oo marka uu shaaraca marayo la arki karo qalabkiisa gudaha oo dhansida mishiinka iyo wareegyada kale iyo xitaa taangiga shidaalka daaqaddiisu waa  ay ku taallaa meel sare oo ku beegan madaxa qofka.

Gaadhigan darawalku waxa uu fadhiisanayaa meel ku beegan badhtamaha sida duuliyaha diyaaradaha dagaalka labada qof ee raacayaana waxa ay kala fadhiisanayaan labadiisa hareerood (Bidix iyo midig) oo kuraasta loogu talo galay ay la siman yihiin darawalka laakiin in yar dib uga dambeeyaan.

Gaadhigan oo dusha uga eeg kuwii bilowgii aadamuhu ku barbartay sancaynta gawaadhida ayaa haddana u shaqaynaya qaab aad uga casriyeysan baaburuta hadda la isticmaalo oo dhan, idaacadda BBC qaybteeda dibadda la hadasha oo warbixintan uu Geeska Afrika soo turjumay ka qortay gaadhigan ayaa ku tilmaamtay in uu u eeg yahay gaadhi loogu talogalay aabayaasha ay xaasaskooda kala tageen ee maxkamaddu siiso ogolaanshiyaha ah in ay carruurtooda toddobaad kasta dhammaadkiisa arkaan, ama dhalinyarada aan weli guursan (Doob iyo Gashaantiba) ee bulshadana aan aad u dhex gelin.