Madaxweyne Siilaanyo Oo Loogu Baaqay Inuu Wasiirka Ciyaaraha U Magacaabo Yuusuf Garas Oo Wasiir-xigeen Ah

0
738

Picture1Hargeysa(Geeska)-Qaar ka mid ah dhallinyarada reer Somaliland ayaa Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ugu baaqay inuu jagada wasiirka ciyaaraha ee banaanatay u magacaabo wasiir-xigeenka wakhtigan wasaarada jooga Yuusuf Cismaan Garas.

Dhallinyaradani waxay Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyeen inuu jagadaas u magacaabo wasiir-xigeen Yuusuf Cismaan Garas oo ay ku tilmaameen masuul xikaas ka soo baxaya oo dhallinyaro ah. “Yuusuf Cismaan Garas waa masuul xilkaas ka soo baxaya, waxaanan Madaxweyne kuugu baaqaynaa inaad xilkaas wasaaarada ciyaaraha ee uu wasiirku iska casilay u magacowda.” ayay dhallinyaradani yidhaahdeen.

Sida laga warqabo wasiirkii ciyaaraha Axmed Cabdi Kaahin ayaa shalay si rasmi ah iskaga casilay xilkii wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha.