Talefannada Casriga Ah Ee Samsung Oo Hadda Kadib Lacagta La Isugu Diri Doono

0
571

Washington (Geeska)- Shirkadda talefannada gacanta ee casriga ah soo saarta ee Samsung ayaa go’aansatay in sannadkan maanta bilowday ee 2015ka ay talefannadeeda gacanta ku soo kordhiso adeeg suurtogelinaya in lacag la isugu diro, iyada oo adeeggaas la kaashanaysa shirkadaha bixiya adeegga lacag kaydsashada iyo bixinta ee kaadhka ah (Credit Cards).  

Degelka lagu baahiyo wararka iyo falan-qaynaha la xidhiidha tiknoolajiyadda ee recode.net ayaa sheegay in uu dhammaad ku dhow yahay heshiis ay shirkadda Samsung la galayso Loop Pay ee dalka Maraykanka ee soo saarta kaadhadhka lacagta lagu bixiyo si laga bilaabo sannadkan 2015 lixdiisa bilood ee dambe ay adeeggaas u qabtaan talefannada casriga ah ee shirkadda Samsung. Warkan oo uu geeska Afrika soo ururiyey waxa uu intaas ku daray, in adeeggani uu qofka macmiilka ah u fududayn doono in uu bixiyo ama la baxo lacagta si la mid ah kaadhka isaga oo adeegsanaya talefankiisa, isla markaana aan u baahnayn isticmaalka Credit card ka. Adeeggan cusub ee shirkadda Samsung ayaa isaga o oadeegsanaya farsamada xidhiidhka dhow ee loo yaqaanno NFC waxa uu xogta lacag bixinta gaadhsiinayaa mishiin la shaqaynaya oo yaalla meheradda lacagta la siinayo.

Illaa hadda ma kala cadda in shirkadda Samsung ay damacsan tahay in adeeggeedani uu ku koobnana doono gudaha dalka Maraykanka iyo in ay ka dhigi dooto mid caalamiya oo beddela kaadhadhka Credit Card afka qalaad lagu yidhaahdo. Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii shirkadda Apple qudheeduna ay talefannadeeda gacanta ee casriga ah, gaar ahaan labada nooc ee IPhone 6 iyo IPhone 6 plus ku soo dartay adeegga Apple Pay. Adeeggaas oo ay Apple ku koobtay dalka Maraykanka balse ay sheegtay in ay dalal kale oo dunida ahna dhaqso ugu sii gudbin doonto.

Shaqooyinka ay ku badan tahay diiqadda iyo Cidhiidhiga Nafsiga ahi waxa ay keenaan dhabar Xanuun. Sidaa waxa daahfuray daraasad cusub oo dhowaan soo baxday, khubarada daraasadan samaysay oo ka tirsan Jaamacadda Ohio ee dalka Maraykanku Waxa ay sheegeen, In marka uu qofku si kadis ah u qaado shay culus badanaaba ay ku keento Dhabar xanuun iyaga oo arrintan ku sababeeyay in Muruqyada qofku ay u baahan yihiin in ay u diyaar garoobaan hadba culayska uu leeyahay shayga ay qaadayaan.

Sida ay xeel-dheerayaashani sheegayaan culays qaadistaas waxaa la mid ah Diiqadda iyo Cidhiidhiga Nafsiga ah ee dadka qaar ay kala kulmaan goobaha shaqada, oo ay sheegeen in qofku marka uu isku buuqsan yahay ama diiqadaysan yahay uu u isticmaalo wax qaadista Muruqyo khaldan taas oo keenta halis ah in qof ka ay nabarro gaadhaan iyo in uu dhabar xanuun qaado. Cilmi baadhitan oo lagu sameeyay arday ku tabarucdday tijaabadeedu waxa ay bushaaro wayn u soo gudbisay dadka inta badan aan isku waynayn dhibaatooyinka la soo darsa ama xita si fudud u qiimeeya Canaanta iyo Cadaadiska kaga yimaadda madaxdooda shaqada.