Golaha Wakiilada Oo Baafinaya 21 Xildhibaan Oo Aan Ka Soo Xaadirin Fadhiyada Golaha Wakiilada Iyo Gudoomiye Baashe Oo Ka Hadlay Xadhiga Xildhibaanada Borama

0
533

Picture8Hargeysa(Geeska):-Aqalka golaha wakiilada Somaliland ayaa  baafinaaya 21-mudane oo aan muddooyinkii danbe ka soo xaadirin fadhiyada aqalka golaha wakiilada kadib markii maalmahii u danbeysay uu golahaasi u furmi waayey kooram la’aan, waxa kale oo guddoomiye ku xigeenka aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Baashe Maxamed Faarax uu digniin adag u direy xildhibaanada aan ka soo xaadirin fadhiyada aqalka golaha wakiilada, isaga oo sida oo kalena ka hadley sida uu arko xadhigii loo geystay xildhibaanadii golaha deegaanka dagmada Boorama oo dhawaan xukuumadu ay xadhig u adeegsatay. Waxaana uu sheegay in xildhibaan kasta uu leeyahay xasaanad isla mar ahaantaana aanay banaaneyn in isaga oo xildhibaan ah la xidho.

Md:Baashe Maxamed Faarax ayaa hadalkan ka sheegay mar uu shaley la hadlaayey qaar ka mid ah warbaahinta madaxa banaan, waxaana uu sheegay in haddii la doonayo in la xidho xildhibaan ay marka hore tahay in xilka laga qaado.

"Waxa weeye xildhibaanadu xasaanad ayey leeyihiin, laakiin haddii lagu qabto isaga oo danbi ku jira waa la qabanayaa, laakiin sidey tahay waxa weeye in la dhawro sharciga oo qofkii xisaanad lahi xisaanadiisu waa ay dhawran tahay oo waa in xisaanada laga qaada haddi la doonayo in la xidho, oo golaha deegaanka dib inta loogu noqdo deedna xisaanada laga qaada, laakiin waxa weeye in la illaaliyo sharciga ama ha ahaado xildhibaan ama qof kalebee waa in qof kasta la dhawraa xuquuqda uu leeyahay" Ayuu yidhi Md:Baashe Maxamed Faarax.

Md:Baashe Maxamed Faarax oo sida oo kale ka hadlaaya xildhibaanada aan ka soo xaadirin fadhiyada aqalkaas wakiilada ayaa uu yidhi.“Wey iska dhacdaa mar mar in ay xildhibaanadu ay hawlo yeeshaan, laakiin waxa weeye in ay xildhibaanadu ay ka soo qeyb galaan fadhiyada, maal mihii dhaweydna waad arkayseen oo fadhiyadii kooram la'aan ah ayaa dhacdey horena waa ay isag dhic dhici jirtey laakiin waxaanu xildhibaanada ku wada hadalney in golaha si caadi ah loo yimaado, oo shuruc badanina waa ay taalaayoo shurucdana si dhakhso ah loo dhamaystiro, markaa waxa aanu ku dadaalaynaa waxa weeye golaha waxaa la imanayaa Axada hawshiisiina waa uu bilaabayaa".

Md:Baashe Maxamed Faarax, waxaa uu sida oo kale uu ka hadley xildhibaanada inta ay saxeexaan buuga lagu xaadiriyo xildhibaanada ee hadana iskaga baxa golaha."Xildhibaanka inta uu buuga saxeexa saxeexo deedna iska baxa waxaa loo aqoonsanayaa xildhibaan maqan"Ayuu yidhi Md:Baashe.

Dhanka kale xoghayaha guud ee aqalka golaha wakiilada Somaliland Md:Cabdirisaaq Siciid Ayaanle uu soo saaray liiska xildhibaaanada ay ka gole ahaan baafinayaan ee muddooyinkii danbe aan ka soo xaadirin aqalka golaha wakiilada Somaliland oo kooram la’aan u furmi waayey.

Ujeedo :- Baafin Mudanayaal

Waxaan idinku wargalinaynaa inaad noo baafisaan mudanayaashan magacyadoodu hoos ku qoran yihin Oo ka maqnaa fadhigii maanta sabab la’aan.

1.C/casiis  Ismaaciil Ducaale

2.C/laahi Axmed Yuusuf ( Madar)

3.C/qaadir Askar Xasan

4.Xaashi Xuseen Caabi

5.Xuseen Ismaaciil Yuusuf

6.Khadar Aadan Xusen

7.Mahdi Xuseen  Cadare

8.Maxamed  jaamac Cabdi

9.Muuse Maxamed Ismaaciil (hoos-u- jeed)

10.Siciid Cilmi Rooble

11.Siciid  Maxamed  Cilmi

12.Maxamed Saalax Cige

13.Axmed Ducaale Bulaale

14.C/qaadir Jibriil Tukaale

15.Maxamed Baaruud Shide

16.Cabdilaahi Xuseen Cige

17.Axmed yasiin Sh. Cali Ayaanle

18.Maxamed Barkhad Miigane

19.Aadan Muxumed Hoori (mataan)

20.Ibraahim Maxamed Xuseen

21.Abdirahman Maxamed Jaamac (loyer)