Akhri Oo Ha Qoslin!

0
606

Hargeysa (Geeska)- Nin Garsoore ah ayaa booqday Maxaabiis ku jirtay Xabsiga degmadiisa. Ujeedadu waxa ay ahayd in uu soo kormeero xabsiga una kuur galo wixii cabasho ah ee ay Maxaabiistu ka qabto garsoorka.

Mid mid isaga oo u waraysanaya ayuu garsoorihii kormeerka ahaa, maxbuuskii kowaad ku yidhi, “Waa maxay Dambigaagu..?” Maxbuuskii ayaa ku jawaabay, “Garsoore, wax dambi ah oo aan leeyahay ma jiro, Dulmi ayaan ku xidhanahay, waxa la igu qaaday kiis beena oo ah in aan wax dilay” Garsoorihii markii uu dhegaystay ayaa uu u gudbay Maxbuuskii labaad bal si uu isna u waraysto, Maxbuuskii labaadna intii oo kale ayuu yidhi, sidii ninkii hore ayaanu ku dooday in xaqdarro loo xidhay.

Maxbuus kasta oo uu u tago garsoorihii sidan ayuu ku dooday marka laga reebo kii u dambeeyay. Garsoorihii ayaa waydiiyay waar adna ma sida saaxiibbadaa ayaad berinnimo sheeganaysaa dulmina u tirsanaysaa. Maxbuuskii waxa uu ku jawaabay, “Maya! Garsoore anigu waxa aan ahay Gacan ku dhiigle, Dhul-jiif iyo Tuug…” Ninkii Garsooraha ahaa ayaa inta uu gacanta qabtay Ninkii Maxbuuska ahaa waxa uu ku yidhi, “Adiga waan ku sii daayay, ee orod iska tag. Waayo ma mudnid (Uma qalantid) in aad ku dhex xidhnaato maxaabiistan wanaagsan, waxa aad ka dilaysa akhlaaqda”.