Taleefanka Gacantu Waa Isha Ugu Muhiimsan Ee Ay Dadka Maraykanku Wararka Ka Helaan

0
746

Washington (Geeska)- Cilmibaadhayaal Maraykan ah ayaa sheegay in isha ugu muhiimsan ee ay dadka Maraykanku wararka ka helaan ay tahay taleefannada gacanta ee casriga oo ay internet ka ka galaan.

Warbixin ay diyaarisay xarunta cilmibaadhisaha ee ‘PEW’ ayaa lagu sheegay in boqolkiiba 57 dadka Maraykanka ahi ay wararka ka helaan taleefannadooda gacanta iyo aaladaha la midka ah ee ‘iPad’ ku ka mid yahay. halka boqolkiiba 30 ay wararka ka helaan kombiyuutarradooda.

Natiijadan ayaa muujinaysa in intii ka dambaysay sannadkii 2013 ka ay aad u kordheen dadka Maraykanka ah ee taleefannadooda u adeegsanaya il ay ka helaan xogta iyo wararka ku xeeran.

Warbixintu waxa ay sheegtay in dadka wararka ka hela internet ka oo ay taleefannadooda ka adeegsanayaan ay boqolkiiba 72 yihiin dhalinyaro da’doodu u dhexeyso 18 illaa 29 sano jir. Dadka waaweyn ayaa ay warbixintu sheegtay in qudhoodu ay internet ka wararka ka helaan, laakiin ay adeegsadaan kombiyuutarrada.

Internet ka oo adduunka si xawaare ah ugu sii faafaya iyo taleefannada sida joogtada ah loo sii casriyeynayo oo internet ka si fudud ugu xidhma ayaa sababay in dadka ugu badan ee adduunku ay taleefannadooda gacanta ka adeegsadaan gelitaanka Internet ka. Iyaga oo u isticmaala xidhiidhada asxaabta, ehelka iyo xitaa xidhiidhada rasmiga ah ee email iyo taleefankuba ka mid yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here