Gabadh 12 Jir Ah Oo Guddoomisay Shirka Golaha Wasiirrada Ee Suudaan Iyo Waxyaabaha Ay Ka Hadashay

0
892

Khartuum (Geeska)- Gabadh yar ayaa arbacadii toddobaadkii hore ee 20 ka Noofambar 2019 ka guddoomisay shirkii golaha wasiirrada ee dalka Suudaan, kaddib markii uu raysalwasaaraha dalkaas mudane Cabdallah Xamduuk fursaddaas u banneeyey.

Raysalwasaaraha iyo wasiirkiisa arrimaha bulshada ayaa kulanka golaha wasiirrada ka hor waxa ay kulan la qaateen gabadha yar oo lagu magacaabo Maariya Murtadhaa, si ay uga xaal waraystaan waxa ay da’ ahaan dareemayso in ay ahayd in ay hesho, si xogogaal dhow ay xukuumaddu ugu noqoto baahiyaha iyo shucuurta da’ yarta faceeda ah.

Hay’adda Qaramada midoobey u qaabilsan dhallaanka ee UNICEF ayaa boggeeda internet ka ku faafisay muuqaalka gabadhan yar oo 12 sano jir ah. Waxa aanay sheegtay  in iyada oo mteletaysa carruurta dalkeeda ay  daqiiqado kooban haysatay xilka raysalwasaaraha ku meelgaadhka ah ee dalka Suudaan.

UNICEF waxa ay sheegtay in gabadhan yari ay raysalwasaaraha iyo guud ahaan golaha wasiirrada dalka Sudan uga warrantay duruufaha kala duwan ee ku xeeran carruurta dalka. Waxa ay si gaar ah u xustay dhibaatada garaacista carruurta oo waalidka iyo goobaha waxbarashadu u adeegsadaan edbinta carruurta ama ciqaabta la mariyo marka ay qalad galaan.

Waxa kale oo ay ka cabatay nolosha qaaliyowday oo saamayn ku yeelanaysa ubadka. Iyo dhibaatooyinka carruurta ka soo gaadhaya khilaafyada milateri iyo xaaladaha dhaqaale ee sii xumaanaya.

Warbixinta sannadlaha ah ee ay hay’adda UNICEF ka soo saarto xaaladaha adduunka ayaa ay sannadkan ku sheegtay in 16 milyan oo carruurta bariga dhexe iyo woqooyiga Afrika ah inay ku dhacday nafaqo darro ka dhalatay cunto xumada sababteedu tahay sicir bararka ku dhacay cuntada. Waxa kale oo ay warbixintu sheegtay in maalin kasta ay 120 carruur ahi u dhintaan nafaqo darro.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here