Talada Ugu Habboon Ee Caawin Karta In Qofku Uu Ka Takhaluso Shakhsiyaddiisa Daciifka Ah

0
701

Hargeysa (Geeska)- Shakhsiyadda oogga badan, waa shakhsiyadda joogtaysa horumarka iyo kor-u-socodka, shakhsiyadda maskaxda adag ee aan joogtayna wax ka beddelka nolosheeda, ka faa’idaysan aqoonin fursadaha, mar kastana ku koobnaato hadba inta ay markaas hawl hayso oo sida ay tahay uun ku ilaaliso. Qofka shakhsiyaddiisu xooggan tahay waa kana la garan kara sharkka iyo khayrka, saxa iyo qaladka, waa kan garan kara duruufaha runta a hee hortiisa yaalla iyo jihada ay xaaladuhu u socdaan. Marka la soo koobana horumarka iyo horu-socodku waa laba shardi oo lagama maarmaan u ah shakhsiyadda qawiga ah, midho dhalna noqda.

Qofka shakhsiyaddiisu daciifka tahay, waa ka aan ka faa’idaysan waqtigiisa, caafimaadkiisa iyo kartidiisa iyo guud ahaanba awoodihiisa jidheed iyo maskaxeed. Qofka shakhsiyaddiisu daciifka tahay waa qofka aan xakamayn karin hab-dhaqankiisa iyo anshaxiisa, waa ruuxa aan qaladkiisa duruus ka badan, wixii ka qaldanna dib u sixin.

Dabeecad ahaan dadku majecla shakhsiyadda daciifa ah, ruuxa walaac iyo labac-labacda badan ee aan ku fiicnayn go’aan qaadashada iyo ku dhiirrashada xaqa iyo in uu waajaho dadka kale. Qofka aan ku fiicnayn in uu aragtidiisa cabbiro iyo in uu difaaco midna, isla markaana aan awoodin la macaamilka iyo xal u raadinta arrimaha ku adkaada iyo masiibooyinka.

Qormadan oo uu Wargeyska Geeska Afrika afsoomaali u rogay waa talooyin ay xeeldheerayaasha cilminafsigu bixiyeen oo qofka ka caawinaya daciifnimada shakhsiyaddiisa:

1. Awood u yeelo in aad naftaada xakamayso: In qofku uu awoodi karo in naftiisa uu ka xakameeyo balwadaha iyo wax yaabaha ay xiisayso, in uu ka ilaalin karo, eexda, cadhada, iyo in naftiisu ay xukunno iyo go’aamo iska gaadho iyada oo aan xog iyo cilmi ku dhisayn iyo sidoo kale in uu dadka kale kula macaamilo ixtiraam iyo dulqaad.

2. Damiirkaagu ha noqdo mid kuu diida gefka: In damiirkaagu uu kugu dhaliyo shucuur marka gef dhaco ku dareensiin karta in aad dembi gashay, awood, doonis sugan, karti iyo qirashada qaladka iyo in aanad ka baxsan mushkiladahaaga ee aad waajahdana mar kugu beeri kara.

3. Hiigsigaagu ha kuu caddaado, himiladaadana ogow: In aad hiigsi yeelato, himiladaaduna noqoto mid kuu cad oo jidka aad u marayso aad garanayso dhib kasta oo kaa hortimaaddaana aanay hagar daamo kugu ridayn. Wixii aan intaas ahayna waxa uu furfurayaa maskaxdaada iyo awooddeeda u fiirsi iyo fikir, waxa aanay raadayn taban ku yeelanaysaa awoodda aad u leedahay in aad afkaartaada gaadhsiin karto qofka ku dhegeysanaya, taasina waxa ay daciifinaysaa shakhdiyaddaada oo ay dadka u tusaysaa in ay daciif tahay.

4. Dadka u calool dabac, dhibirsanaanta iyo naxariistana owog: In aad dadka naxariis ku qaabisho, u dhibirsanaato, dhibta ay qabaanna uga calool dabacdaa waxa ay ka mid tahay calaamadaha xoojisa shakhsiyadda qofka.

5. Niyadsamaanta iyo in aad indho caafimaad qaba ku eegto waxa kugu xeeran: Waa in aad noqotaa hoggaamiye ay ka go’antay ku socoshada jidka uu ku rumaynayo rumaynta riyadiisa, laakiin jidkaasi waa in uu noqdaa mid kuu bannaan oo aan dembi iyo xad gudub ahayn si aad u gaadho himiladaada. Waa in aad nolosha wax yaabaha togan oo keliya ka fikirtaa ugana faa’idaysaa.

6. Naftaada ku tababar in ay waxbarasho joogto ah u diyaar ahaato: Qofku noloshiisa oo dhan waxa uu ku jiraa xaalad waxbarasho, waxaa joogto u soo marta duruus noloshiisa khusaysa oo isugu jira kuwo cilmi ah iyo kuwo ficil ahaan uu

Ku arko. In aad waanada iyo talooyinka cusub raacdo, in aad waxbarato iyo in aad fici u rogto waxa aad barato, arrimahaasi waxa ay ko u qaadayaan kaalintaada bulshada dhexdeeda waxa aanay kaa dhigayaan shakhsiyad awood badan oo doonis leh.

7. Imaan qabow: Shakhsiyadda awoodda lihi waa ta ku iimaan qabowsan hadba waxa ay gacanta ku hayso, kuna qanacsan inta gacanteeda ku jirta ee aan eegin waxa dadka kale gacanta ugu jira.

8. Noqon Geesi: Shakhsiyadda xooggani waa tan xaqa ku dhiirran, laakiin aan ku habsaamin shaqo aan xisaabsanayn, waa shakhsiga hawsha uu qabanayo inta aanu qaban og xisaabtiisa aakhiro iyo tan adduun midka ay hawshaasi gelayso.

9. Ha isku daalin raalli gelinta dadka oo dhan: Hore ayaa loo sheegay in raalli gelinta aadamuhu ay tahay hiigsi aan la gaadhi karin. Haddii uu qof kuu soo jeediyo arrin ka hor imanaya waxaqorshihii aad wadatay iyo hawshii kuu socotay, waa daciifnimo in aad u soo tanaasushaa, balse waa in aad ku qanciso in hawshaasi socoto.