Yoolka 12aad aad Ee 17ka Yool Ee Addunyadu Beegsanayso “Wax Soo Saar Iyo Kharashgareyn Masuuliyadi Ku Jirto”

0
573

Picture1Yoolka 12aad  ee caalamku beegsanaayo 15ka sano ee soo socda waxaa weeye "Wax Soo Saar Iyo Kharashgareyn Masuuliyadi Ku Jirto" oo looga golleeyahay in si masuuliyadi kujirto loo maamulo wax soo saarka iyo isticmaalka khayraadka dunida. Yoolkan oo muhimad gaar ah u leh caalamka wuxuu leeyahay 11 bartilmaameed oo midkastaaba muhimmadiisa gaarka ah leeyahay marka la isku wada darana xaqiijinaaya gaadhitaanka yoolkan dahabiga ah waxaanay kala yihiin:

Waa in la fuliyaa qorshe wada shaqayneed oo 10sano ah oo ku saabsan xasilinta waxsoo saarka iyo kharash gareynta oo ay dhammaan waddamada caalamku ka qaataan tallaabo cad iyadoo waddamada horumarayna hogaanka qaadanayaan; iyadoo  xisaabtana lagu darsanaayo awoodda iyo kartida waddamada soo korayaa u leeyihiin arrintaas.

2030ka waa in lagu guuleystaa xasilinta iyo habsami u isticmaalka kheyraadka dabiiciga ah ee dunida.

2030ka waa in kala badh la dhimaa dayaca maceeshada ee xilliga isticmaalka iyo tafaariiqeynta (iibinta) iyo weliba xilliga soo saarka iyo gaddida.

2020ka waa in la xaqiijiyaa habsami u maamulidda kiimikooyinka deegaanka wax yeella iyo qashinka iyadoo la ixtiraamaayo lana fuliyaanyo qaababka wadashaqayneed ee caalamiga ah. sidoo kale waa in si weyn loo dhimaan wasakhaynta hawada, biyaha iyo carrada si loo yareeyo samaynta ay sumowgaasi ku yeelato caafimaadka aadamaha iyo deegaankaba.

2030ka waa in si weyn loo dhimaa soo saarka wasakhda iyadoo loo maraayo ka hortag, dhimis, dib u wershadayn iyo dib u isticmaalka khashinka.

waa in lagu dhiirigeliyaa shirkadaha waaweyn, gaar ahaan shirkadaha caalamiga ah inay dhaqangeliyaan hab-dhaqanno sugan oo ay ku soo saaraan wabixinno sugan oo qiimo leh.

Waa in la dhiirigeliyaa wax gadashada habka furan iyadoo loo raacaayo siyaasadaha iyo mudnaanaha ay leeyihiin waddamadu

2030ka waa in la hubiyaa in qofkastaa meelkasta oo uu joogaba helo xogo iyo wacyigelinno ku saabsan xasilinta horumarka caalamka iyo horumarinta nolosha dadkaba.

waa in la taageeraa waddamada soo koraaya  xoojin lahaayee farsamooyinka iyo tiknolojiyadda casriga ah iyo awoodooda si loo gaadho horumar xasilloon iyo wax soo saar iyo isticmaal isku dheelitiran.

waa in la hirgeliyaa lana fuliyaa habab iyo qaabab lagu kormeeraayo saamaynta horumarka xasiloon iyadoo la hirgelinaayo dalxiis abuura shaqooyin sarena u qaada dhaqamada iyo wax soo saarka maxalliga ah.

waa in si macno leh wax looga qabtaa kabidda dhaqaale ee shidaalka haraadigii hore laga hagaajiyo, taasoo dhiirigelineysa isticmaal wasakhaysan, iyadoo meesha laga saaraayo dhabka sheegista suuqa, iyadoo loo eegaayo xaaladaha heer qaran sida in dib loo qaabeeyo cashuuraha, joojinta kabka dhaqaale ee waxyeelada leh; meelahay ka jirto, si looga dareen celiyo wax yeelada deegaanka, waa in lagu xisaabtamaa baahiyaha iyo xaaladaha gaarka ah ee wadamada soo koraaya, iyadoo laga taxadiraayo waxyeeleynta horumarka dadka saboolka ah.

La soco yoolka 13aad

waxaa soo turjumay
Cabdiraxmaan Cismaan Gaas
gaas96@gmail.com 063 4009009