Kelmado Caan ah Oo Sannadkii 2014 Si Rasmi Ah Loogu Daray Ereyada Afingiriisiga Ee Qaamuuka Afka Kur Jira (2)

0
571

Hargeysa (Geeska)- Caadi ahaan luuqadaha dadka ku hadlaa ay sida cilmiga ah uga shaqeeyaan muddo kasta waxaa lagu daraa ereyo hor leh oo loo aqoonsado in ay ka mid yihiin afkaas kadib marka loo arko baahida loogu qabo sheekada maalinlaha ah iyo af-qoraalkaba, isla markaana aanay u kala hadhin, afka iyo isbedellada iyo horumarrada ku imanaya nolosha dhinacyadeeda bulsho, siyaasadeed, dhaqaale iyo dhaqan iyo dhaqan dhaqaale.

Qormadan oo uu Geeska Afrika ugu talogalay in ay ka faa’idaystaan akhristayaasha afingiriisiga ku hadla ama barashadiisa xiiseeyaa waxa uu u soo bandhigayaa, tiro ka mid ah ereyada sannadkii 2014ka si rasmi ah loogu aqoonsaday in ay ka mid yihiin afka Ingiriisiga laguna qori doono qaamuuska afkan ee soo baxa sannadkaas wixii ka dambeeyey.

Runtii lama odhan karo waa kelmado cusub oo waxaa suurtogal ah in dadka afingiriisiga ku hadla iyo inta badan ee dadka duniduba ay si fiican u garanayaan ereyada, laakiin haddana isticmaalkooda waxaa qasbayey duruufaha keenay ereyadan balse afafka oo dhan waxa ay ku ahaayeen garan waa iyo qariib aan xitaa mararka qaar la jeclayn.

Ereyada la xidhiidha farsamada iyo tiknoolajiyadda:

1. Hashtag: Hore afka ingiriisigu waa uu u yaqaannay ereyada HASH iyo TAG, laakiin marka ay is raacaan, Hashtag hadda ayuun baa uu qaamuuska Ingiriisigu u aqoonday in macnahoodu yahay kelmadaha ay ka horreyso calaamada caanka ah ee (#), waxaana loo adeegsadaa bar-kulannada bulsho ee internet ka, gaar ahaan shabakadda Twitter, iyada oo laga horreysiiyo ereyga ama mawduuca sida gaarka ah muhiimadda loo siinayo, qofka qorayna uu doonayo in uu dareenka saaxiibbada kale ku soo jeediyo.

2. Live-tweet: Sidii hore oo kale labadan erey mid kasta gaarkiisa waa loo yaqaannaa, laakiin markan ay israaceen waxa ay bixinayaan macne ka duwan kii loo yaqaannay. Waxa aanu qaamuuska Ingiriisigu ku macnaynayaa, “In twitter ka lagu baahinayo wararka iyo dhacdooyinka sida ciyaaraha ama barnaamijyada talefishannadu sii deynayaan iyo sidoo kale shirarka ama dhacdo uun hawada si toos ah looga dhegeysanayo sida idaacadda oo la doonayo in dadku kala socdaan twitter ka. La soco…