Tahriibayaal Afrikaan Ah o Gaadhay Dalka Talyaaniga

0
1078

tahriibayaal1

Hargeysa(Geeska)-Tahriibayaal tiradooda lagu qiyaasay 700 ruux ayaa gaadhay xeebaha wadanka Talyaaniga, gaar ahaan jasiirada ay muhaajiriinta afrikaanka ahi buux dhaafiyeen ee Lamaduusa.

Sida uu wakaalda wararka wadanka talyaaniga ee ANSA uga waramay taliyaha xeebaha jasiirada Lamaduusa Bartolo Campo, wuxuu intaas ku daray inay muhaajiriintani la socdeen haween iyo caruur yar yar.

Tahriibayaasha ayaa lagu soo waramyaa inay u badan yihiin Somali balse ay weheliyaan tahriibayaal u dhashay wadamada Itoobiya iyo Eretria. “Saacadihii ugu dambeeyay boqolaal muhaajiriin Afrikan ah oo Soomaali u badan ayaa noo yimid, doonyo yar yar ayayna ka soo raaceen dalka Libya dhibaato ayaana ka muuqatay.” Ayuu yidhi taliyuhu.

Dad badan oo tahriibayaal ah ayaa fursado ka helay kacdoonada iyo rabshadaha ka taagan wadnka Libiya iyo wadamada waqooyiga afrika, dadkaasi oo ay kamid ahaayeen Somali u tiro badan oo in muddo ah ku xanibnaa wadanka Libiya, balse intii ay haatan ka taagnaayeen rabshaduhu qiimo jaban ayey kaga tahriibayay xeebaha wadnka libiya.

Qaramda midoobay ayaa iyaduna haatan ka dhawaajisay in waxii ka danbeeyay intii ay rabshaduu ka dilaacen wadanka Libiya ay tirada muhaajiriinta ee gaadhaysa xeebaha wadanka talyaanigu ay aad u korodhaysay wakhtiba wakhtiga ka danbeeya.